HomeWararWiil Soomaali oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta Baaruud uu ka...

Wiil Soomaali oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta Baaruud uu ka dhex qarxiyey Dad badan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wiil dhallinyaro ah ayaa lagu soo oogay dacwad, kaddib markii lagu eedeeyay in uu shiday dab bululeyr/baaruud uu ku dhex tuuray  shaleemo ay dad filim ku daawanayeen oo ku taala magaaladda Eagan ee gobolka Minnesota. Khalid Bedel Hassan, oo 18-sanno jira, ayaa lagu soo oogay dhowr dambi oo kala ah, in uu galay dambi heerka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wiil dhallinyaro ah ayaa lagu soo oogay dacwad, kaddib markii lagu eedeeyay in uu shiday dab bululeyr/baaruud uu ku dhex tuuray  shaleemo ay dad filim ku daawanayeen oo ku taala magaaladda Eagan ee gobolka Minnesota.

Khalid Bedel Hassan, oo 18-sanno jira, ayaa lagu soo oogay dhowr dambi oo kala ah, in uu galay dambi heerka saddexaad ah, weerar uu dad u geystay oo ah dambi heerka shanaad, hanjabaad iyo rabshad uu ka seemay goob ay dad shicib ahi joogan. Sidoo kale wiilkan ayaa lagu soo oogay labbo dacwadood oo ah dambiyada heerka koowaad oo ah in uu geystay burbur hantiyeed.

- Advertisement -

Booliska magaalada Eagan ayaa sheegay in looga yeeray masraxa ama shaleemada filimada lagu daaawado ee Emagine oo ku yaala magaaladda Eagan bishu markii ay ahayd July 12-keeda, 2022. Booliska ayaa sheegay markii ay yimaadeen shaleemada ay ogaadeen in bululeyr la shiday lagu tuuray mid ka mid ah tiyaatarada shineemadda xilli uu filim ka socday ama ka shidnaa.

Dacwadda wiilkan laga soo gudbiyay ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 40 qof ay ku sugnaayeen masraxa shaleemada markii uu qarxay bululeyrku . Booliiska ayaa sheegeen in laba qof oo kaliya ay ku dhaawacmeen – mid ka mid ah uu ahaa ilmo yar oo 11 bilood jira uu ka gubtay dhabannada iyo sanka. Qofka kale ee dhaawacu soo gaaray ayaa dhaawac ka soo gaaray lugta, waxaana laga soo saaray firir kamid ah bululeyrka lugteeda.

Wiilkan ayaa la xiray maalintii tallaadada. Wareysi ay booliisku la yeesheen Khalid oo ah wiilka dacwada lagu soo oogay ayuu ku qirtay in uu shiday dabka bululeyrka oo uu ku tuuray masraxa shineemadda.

- Advertisement -

Shalay oo ah Khamiis aheyd ayaa maxkamad la keenay oo uu ka  soo muuqday maxkamadii ugu horeysay, waxayna maxkamadu ogolaatay in la dammaanad karo wiilkan haddii uu bixiyo lacagta dammaanad qaadka ah oo dhan $25,000 oo shuruudo lagu xirayo haddii uu ogolaado ama lacag damaanad qaad ah oo dhan $50,000 oo shuruud la’aan ah. Maxkamadda labaad iyo dhageysiga xiga ee dacwadda lagu soo oogay ka dhanka ah yaa ayaa loo balansan yahay 16-ka bisha August, 2022.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts