HomeWararDagaalo u dhexeeya Ciidanka Liyuu Boolis iyo Al-shabaab oo weli ka socda...

Dagaalo u dhexeeya Ciidanka Liyuu Boolis iyo Al-shabaab oo weli ka socda Dowlad deegaanka

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Dagaalo xoogan ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa ay deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida ku dhex marayeen Ciidanka Liyuu Boolis iyo dagaalamayaasha Al-shabaab. Dagaalada ayaa markii hore ka bilowday weeraro culus oo Shabaabka ku qaadeen deegaanada Aato iyo Yeed oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Liyuu Boolis, kadibna waxaa dhacay dagaalo dhaliyey khasaaro dhimasho […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaalo xoogan ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay waxaa ay deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida ku dhex marayeen Ciidanka Liyuu Boolis iyo dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaalada ayaa markii hore ka bilowday weeraro culus oo Shabaabka ku qaadeen deegaanada Aato iyo Yeed oo ay ku sugnaayeen Ciidanka Liyuu Boolis, kadibna waxaa dhacay dagaalo dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac aad u farabadan.

- Advertisement -

Al-shabaab oo wata gaadiidka nooca dagaalka ayaa gudaha u galay deegaano ka tirsan dowlad deegaanka, waxaana Saraakiil ka tirsan laamaha amniga DDS ay sheegeen inay Shabaab ku hareereeyeen aagga Huluul ee degmada Hargeelle gaar ahaan Gol-dheer.

Wararkii ugu danbeeyay ee la helayo ayaa sheegaya inay weli socdaan dagaalo goos-goos oo u dhexeeya Ciidanka Liyuu Boolis iyo Al-shabaab, isla markaana aaga uu dagaalka ka socdo ay dadka deegaanka ka barakacayaan.

Laamaha ammaanka dowlad deegaanka ayaa guulo ka sheegtay dagaalka,  Al-Shabaab oo dhankooda soo bandhigay Sawirada dagaalka ayaa sheegay inay ciidamada Liyuu Boolis ka dileen in ka badan 87 Askari, isla markaana degaano dhowr ah ay ka qabsadeen.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts