HomeWararXasan Sheekh oo gudbiyey Codsiga kamid noqoshada Somalia ee dalladda Bariga Afrika

Xasan Sheekh oo gudbiyey Codsiga kamid noqoshada Somalia ee dalladda Bariga Afrika

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-gelay shir hordhac u ah shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid-noqoshada Soomaaliya ee dalladan, isagoo tilmaamay dadaalka uu muddada badan ku bixinayey sidii dowladda iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-gelay shir hordhac u ah shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid-noqoshada Soomaaliya ee dalladan, isagoo tilmaamay dadaalka uu muddada badan ku bixinayey sidii dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga mid noqon lahaayeen (EAC).

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey hawlkarnimada iyo firfircoonida ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, gaar ahaan khayraadka ceegaaga sida macdanta, xoolaha iyo beeraha, kuwaasi oo Soomaaliya ka dhigaya mid ka mid ah dalalka ugu mustaqbalka fiican Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

- Advertisement -

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta arko calankii Soomaaliyeed oo ka dhinac babbanaya calamada dalalkiinna, waxaanna rajaynayaa in uu sidaas ahaado sanaddada soo socda. Soomaaliya waa dal aad hodan u ah. Waxa aannu leennahay khayraad macdan, xoolo iyo kuwo beero. Intaas waxa ka muhiimsan in aannu leennahay bulsho firfircoon oo ganacsiga ku fiican.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahiyey muhiimadda dalkeenna iyo gobolkaba ugu jirta in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto dalladdan, isaga oo xusay in mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Geeska Afrika uu yahay mid isku-lammaan.

“Mustaqbalka waddamadani waa uu isku xiran yahay, Soomaaliyana ma doonayso in ay culays idinku ahaato. Taas beddelkeeda, waxa aannu rabnaa in aan noqonno dal waxtar leh oo wax ku soo kordhiya dalalkan muhiimka ah. Sidaasi awgeed, aniga oo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed, waxa aan hortiinna ku soo gudbinayaa codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid-noqoshadeenna dalladdan.”

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dalalka Geeska Afrika uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagnaayeen Soomaaliya soddonkii sanno ee la soo dhaafay ee uu dalkeennu la tacaalayay duruufaha kala duwan iyo martigelinta ay waddamadaasi u sameeyeen dadka Soomaaliyeed ee u soo qaxay, iyo guud ahaan doorka ay ka qaateen nabadaynta iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts