HomeWararGaari ay saarnaayeen Dad shacab ah oo Miino kula Qaraxday degaan ka...

Gaari ay saarnaayeen Dad shacab ah oo Miino kula Qaraxday degaan ka tirsan Mudug

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Wararka aan ka heleyno degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo saarnaa gaari nooca Probox-ka. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa uu ka dhashay haraagii hubkii dagaaladii Soomaliya iyo Itoobiya iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo saarnaa gaari nooca Probox-ka.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa uu ka dhashay haraagii hubkii dagaaladii Soomaliya iyo Itoobiya iyo kii Jabhadihii ay Dawladda Soomaliya is hayeen, waxaana qaraxa uu gaariga ku qabsaday degmada Galdogob, xilli uu marayey waddo ku taalla halkaas.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay darawalkii gaariga ayaa geeryooday qaraxa, halka dad kale oo gaariga la socday ay dhaawacyo kala duwan gaareen, isla markaana waxaa dadka waxyeelada soo gaartay loola cararay Xarun Caafimaad, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo.

Guddoomiyaha degmada Goldogob, Cabdiqafaar Sheekh Ibaahim ayaa gaarey goobtu falka ka dhacay, isagoo tacsi u diray qoyska darawalkii dhintay, wuxuuna Caafimaad u rajeeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu  baaq u diray hay’addaha miino baarayaasha ka shaqeeya in ay si rasmi ah uga shaqa bilaabaan degmada Galdogob, oo ah halka ay ku aasanyihiin inta badan Miinooyinkii ay aaseen Ciidamadii dirirtu dhexmartay ee Soomaaliya iyo Ethiopia sanadkii 1977 iyo kuwii ka dambeeyey.

- Advertisement -

Si kastaba ha’ahaatee Dhacdadaan qaraxa ka dhashay haraagii hubkii dagaaladii Soomaliya iyo Itoobiya iyo kii Jabhadihii ay Dawladda Soomaliya is hayeen ayaa noqonaysa tii Afraad labadii sano ee u dambeysay ee degaanka ka dhacda .

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts