HomeWararAgaasime Ku-Xigeenka Cusub oo kulan isugu yeeray shaqaalaha Madaxtooyada

Agaasime Ku-Xigeenka Cusub oo kulan isugu yeeray shaqaalaha Madaxtooyada

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Agaasime Ku-Xigeenka Guud ee Madaxdooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo kulan isbarasho ah la qaatay shaqaalaha Madaxtooyada ayaa la wadaagay qorsheyaasha hortebinta u leh Madaxtooyada qaranka. Agaasime Maxamed Amiin  ayaa xusay in guud ahaan shaqaalaha dowladdu ay yihiin adeegeyaal qaran, oo aan lagu beegsan doonin arrimo siyaasadeed, waxa uuna ku adkeeyey […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Agaasime Ku-Xigeenka Guud ee Madaxdooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo kulan isbarasho ah la qaatay shaqaalaha Madaxtooyada ayaa la wadaagay qorsheyaasha hortebinta u leh Madaxtooyada qaranka.

Agaasime Maxamed Amiin  ayaa xusay in guud ahaan shaqaalaha dowladdu ay yihiin adeegeyaal qaran, oo aan lagu beegsan doonin arrimo siyaasadeed, waxa uuna ku adkeeyey shaqaalaha Madaxtooyada in ay waajibaadkooda shaqo u gutaan si habsami leh oo waafaqsan shuruucda shaqaalaha dowladda.

- Advertisement -

“Siyaasadda guud ee Madaxweynaha iyo tan Agaasinka Cusub waxa ay ku qotontaa aragtida guud ee ah Soomaali Heshiis ah Dunida heshiis la ah, taas oo aan rabno in ay ka hirgasho meesha ugu hooseysa ilaa meesha ugu sarreysa ee dowladnimadeenna. Howl-wadeen walba waxaa lagu qiimayn doonaa, lagu na dallacsiin doonaa dadaalka iyo waxqabadkiisa shaqo.”

Dhankooda, Agaasime Waaxeedyada iyo howl-wadeennada kala duwan ee Madaxtooyada Qaranka oo soo dhaweyey Agaasinka Cusub ee Madaxtooyada ayaa la wadaagay warbixinno ku aaddan howlahooda shaqo ee Madaxtooyada Dalka.

Ugu dambayn, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa kula dardaarmay shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka sii wadidda iyo dardar gelinta shaqada ay qaranka u hayaan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts