Xarunta Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ka socota Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, oo hadda gashay wareeggii ugu dambeyeeyay.
Doorashada wareega labaad ayaa waxaa ku tartamay afar Musharax oo kasoo gudbay wareega koowaad, kuwaasi oo kala ah Saciid Cabdullaahi Deni, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xasan Cali Kheyre.
Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhiibtay codadkooda, waxaana wareegga labaad ku haray Xasan Cali Kheyre iyo Siciid Cabdullaahi Deni.
Halka Wareegga ugu dambeeya oo goordhaw billaaban doona ay ku tartami doonaan Farmaajo iyo Xasan Sheikh.