HomeWararDEG DEG:-Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Somalia

DEG DEG:-Xasan Sheekh Maxamuud oo loo doortay Madaxweynaha cusub ee Somalia

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Waxaa Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kusoo dhammaatay doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Doorashada xilka Madaxweynaha ayaa waxaa ku tartamay 37 Musharax, waxaana doorashada oo la galay saddex wareeg oo midkii ugu dambeeyay isugu soo hareen laba Musharax oo kala ahaa Xasan Sheekh Maxamuud […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho kusoo dhammaatay doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada xilka Madaxweynaha ayaa waxaa ku tartamay 37 Musharax, waxaana doorashada oo la galay saddex wareeg oo midkii ugu dambeeyay isugu soo hareen laba Musharax oo kala ahaa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ahaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee shantii sanno ee lasoo dhaafay hoggaaminayay dalka.

- Advertisement -

Doorashada wareega saddexaad oo tartan adeg la galay ayaa waxaa ku guuleystay oo Madaxweynaha cusub ee afarta sanno ee socota dalka Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud oo helay Codad gaaraya 214, halka Maxamed Farmaajo uu isna helay 110 Cod, waxaana halaabay saddex Cod.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh u dhaariyay xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo horey loogu doortay xilka Madaxweynaha sanadkii 2012, wuxuuna markaas ka guuleystay Sheekh Shariif Sh Axmed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts