HomeWararFaah faahin: Shil sababay Dhimasho iyo dhaawac oo saaka ka dhacay Gaalkacyo

Faah faahin: Shil sababay Dhimasho iyo dhaawac oo saaka ka dhacay Gaalkacyo

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Shil geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waaberigii hore ee saakay ka dhacay meel u dhow Garoonka diyaaradaha Oshaako ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno. Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in shilkaas uu yimid, kadib markii gaari nooca Soomaalida u taqaano TM-ka uu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Shil geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waaberigii hore ee saakay ka dhacay meel u dhow Garoonka diyaaradaha Oshaako ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, sida ay sheegayaan wararka aan halkaas ka heleyno.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in shilkaas uu yimid, kadib markii gaari nooca Soomaalida u taqaano TM-ka uu ku rogmay meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, ka gadaal markii uu wadada ka baxay, xili uu ku socday xawaare.

- Advertisement -

Gaariga rogmaday ayaa sidday dad safar ahaa iyo xoolo u badan Ari oo ku rarnaa gaariga oo kusii jeeday degaano ka tirsan Mudug, waxaana shilkaas ku dhintay hal qof, halka saddex qof kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Dad goobta uu gaariga ku rogmaday ka agdhawaa ayaa gurmad u sameeyay dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay shilkaas dhacay, waxaana weli wadada dhex yaalla gaariga weyn oo laga dejiyay xoolihii ku rarnaa.

Si kastaba degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale uga dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaana inta badan loo sababeeyaa darawalada oo gaadiidka xawaare ku wada iyo waddooyinka oo burbursan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts