HomeWararMadaxweyne Lafta-gareen oo Maanta kulan la qaatay Safiirada Ingiriiska iyo Mareykanka

Madaxweyne Lafta-gareen oo Maanta kulan la qaatay Safiirada Ingiriiska iyo Mareykanka

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa kulan la yeeshay Safiirada dowladda Ingiriiska Kate Foste iyo Sii-hayaha Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya.

Kulanka Madaxweyne Lafta-gareen iyo Safaarada ayaa ka wada hadlay Arrimo kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka dhacaya oo ku qabsoomi waayay waqtigii loogu tala-galay.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Safiirka Ingiriiska Kate Foste iyo Sii-hayaha Safaarada Mareykanka kala hadlay ammaanka deegaannada Maamulkaas iyo sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha baahsan ee saameynta ku yeelatay Bulshada.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Safiirada ay Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen u sheegeen inuu ka qeyb galo Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee uu Icmaaliyey Ra’iisul Wasaaraha, xili Lafta-gareen uu si  Cad u diiday ka qeyb galka Shirkaas.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa dowladda Ingiriiska iyo Mareykanka ka dalbaday inay dardar-geliyaan taageerada ay siiyaan maamulkiisa, isagoona uga mahadceliyay dadaalada ay wadaan Wakiilada Beesha Caalamka ee ku aadan doorashada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa ka qeyb galaya Shirka uu ku baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble ee looga hadlayo saxida doorashada iyo dhammeytirkeeda…

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories