HomeWararGuddoomiye ku-xigeenkii Guddiga Doorashooyinka Puntland oo is Casilay

Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga Doorashooyinka Puntland oo is Casilay

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga KMG doorashooyinka dowlad Goboleedka Puntland Jaamac Xirsi Faarax ayaa ku dhawaaqay inuu isna xilkii iska Casilay, kadib markii saacad kahor uu xilka iska Casilay Guddoomiyihii Guddigaas Guuleed Saalax Barre.

Qoraal uu soo saaray Jaamac Xirsi Faarax ayuu ku sheegay in Warqadiisa is Casilaada uu u gudbiyey xubnaha Guddiga KMG doorashooyinka Puntland, isla markaana waxaa uu ka dalbaday inay si dhaqsi ah uga aqbalaan Go’aanka uu gaaray.

Guddoomiye ku-xigeenkii Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa dhammaan xubnaha Guddiga uga mahadceliyay sidii qiima laheyd ay usoo wadashaqeeyeen muddadii labada sanno aheyd ee uu haayay xilka Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga.

Ma shaacin Jaamac Xirsi Faarax sababta keentay inuu xiligaan iska Casilo xilka Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga KMG doorashooyinka Puntland, hayeeshee wuxuu sheegay oo kaliya inuu gudbiyey Warqadiisa is Casilaada.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, iyada oo saacad kahor uu xilka iska Casilay Guddoomiyihii Guddiga KMG doorashooyinka Maamulka Puntland, isagoona sababta keentay shaqo ka tegistiisa ku sheegay inay tahay duruurfo ka horyimid dartood.

Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Jaamac Xirsi Faarax.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories