HomeWararMaamulka Gobolka Hiiraan oo Bandow kusoo rogay Magaalada Baladweyne

Maamulka Gobolka Hiiraan oo Bandow kusoo rogay Magaalada Baladweyne

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Maamulka Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa Bandow kusoo rogay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolkaas, sida uu Goordhow shaaciyay Afhayeenka Maamulka Hiiraan Liibaan Cabdi Cumar.

Afhayeenka oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in sababta keentay in Bandow lagu soo rogay Magaalada Baladweyne ay tahay, si looga hortego wax walbo oo keeni kara khal-khal gelinta ammaanka Magaalada.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayuu Afhayeenka tilmaamay inuu faray laamaha amniga dowladda Federaalka iyo kuwa Hirshabeelle inay dhaqan-geliyaan Bandowga lasoo rogay, si loo xaqiijiyo amniga, isla markaana laga hortego falalka amni darro.

“Guddoomiyaha Gobalka Cali Jeyte Cismaan  waxuu Bandow ku soo Rogay Magaalada Baladweyne ee Xaruunta Gobalka Hiiraan. si loo xaqiijiyo Amniga Baladweyne Loogana hortago wax walbo oo Qalqal Gelin karo amniga Baladweyne” ayuu ku yiri Qoraalka uu soo saaray Afhayeen Liibaan Cabdi Cumar.

Baladweyne ayaa waxaa habeeno kahor dagaal xoogan oo dhaliyey khasaaro uu ku dhexmaray Ciidanka Maamulka iyo Ciidamo uu watay Sarkaal lagu magacaabo Nuur Dheere, waxaana dagaalkii dhacay la xaqiijiyay inay ku dhinteen 5 ruux, sidoo kalena Maanta duleedka Magaaladaas ayaa waxaa ka dhacay dagaal xoogan.

Bandowga uu Maamulka Gobolka kusoo rogay Magaalada Baladweyne ayaa kusoo aaday, iyada shalay Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan uu ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah maleeshiyaadka hubeysan ee kasoo horjeeda Maamulka Hirshabeelle ee halkaas jooga.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories