Ali Yasin Ahmed, Mahdi Hashi iyo Mohamed Yussuf ayaa sheegay inay rajeynayaan in laga debciyo xukunka 15-ka sanno ee lagu riday, waxayna sheegeen in jirdil loogu geystay muddadii ay ku xirnaayeen dalka Jabuuti.
Saddexdaasi nin waxay arrintaasi ku muujiyeen Qoraal ay u direen Xeer-beegtida Maxkamadda Brooklyn Federal Court ee Bariga magaalladda New York, iyadoo Eedeysane Ali Yasin Ahmed oo 30-jir ah qoray in markii loo soo wareejiyey melaha ay Federalka dadka ku xiraan ee Manhattan iyo Broojlyn in lagula kacay jirdil uu amray Xeer-ilaaliyaha Maraykanka.
Garyaqaanadda difaacayo ayaa sheegay inay doonayaan in ugu yaraan 3 bilood laga dhimo 15-ka sanno ee lagu xukumay Saddexdaasi nin oo ay Sirdoonka Maraykanka soo qabteen sannadkii 2012-kii, kadib, markii ay ka gudbeen Xuduudka Somalia.
103 maalmood ayaa lagu hayey Xabsi ku yaalla Jabuuti, ka hor intaysan Hay’adda CIA-da u soo wareejinin dalka Maraykanka oo saddexda Eedeysane lagu soo oogay inay Xarakadda Alshabaab ku taageereen qalab aan la shaacinin waxa ay yihiin.
© Radio Dalsan Â