HomeWararUhuru Kenyatta oo loogu baaqay in baaritaano lagu sameeyo Qabuur-wadareedka laga helay...

Uhuru Kenyatta oo loogu baaqay in baaritaano lagu sameeyo Qabuur-wadareedka laga helay Mandera.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

  7 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Kenya, lagana soo doorto Mandera iyo Wajeer waxay si kulul u naqdiyeen Hay’addaha Ammaanka Kenya, kadib, markii la helay Qabuur-wadareed lagu aasay 12-mayd. Xildhibaanadda oo shir Jaraa’id ku qabtay Dhismaha Barlamaanka Kenya waxay cambaareeyeen Falkaasi, waxayna Madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu baaqeen inuu soo farageliyo dhacdadaasi, lana soo diro […]

- Advertisement -
- Advertisement -

 

7 Xildhibaan oo ka tirsan Barlamaanka Kenya, lagana soo doorto Mandera iyo Wajeer waxay si kulul u naqdiyeen Hay’addaha Ammaanka Kenya, kadib, markii la helay Qabuur-wadareed lagu aasay 12-mayd.

- Advertisement -

Xildhibaanadda oo shir Jaraa’id ku qabtay Dhismaha Barlamaanka Kenya waxay cambaareeyeen Falkaasi, waxayna Madaxweyne Uhuru Kenyatta ugu baaqeen inuu soo farageliyo dhacdadaasi, lana soo diro Baarayaal Madax-bannan.

MANDERA MPsXildhibaanadda waxay ku goodiyeen haddii la iska dhega-tiro Codsigooda inay Maxkamadda Calaamiga ICC iyo QM ka dalban doonaan inay baaraan falkaasi oo ah dembi ka dhan ah Aadanaha.

Xildhibaan Billow Keerow oo laga soo doorto Mandera ayaa sheegay in loo baahan yahay inuu Madaxweyne Uhuru si dhab ah u qaato dhacdadan, wuxuuna ku goodiyey haddii wax laga qaban waayo inay QM iyo Maxkamadda Caalamiga ee Dembiyadda (ICC) ka dacwoon doonaan si Baaritaan Caalami loogu sameeoyo dadkii ka dambeeyey Xasuuqa dadka lagu aasay Qabuuro-wadareedyadda.

- Advertisement -

Shalay ayey ahayd markii maydadka 12-qof laga helay  Qabuur-wadareed deegaanka Omar Jillow ee Xaafadda Lathe oo 30-KM u jirta Mandera, waxaana laga bar aqoonsaday maydadkaasi Haweeney oo ay Ciiddanka Ammaanka Kenya ka kaxeysteen Khamiistii hore Dukaan yar oo ay Shaaha ku iibin jirtey.

Haweeneydaasi oo magaceeda lagu sheegay Isnina Musa Sheikh ayaa ahayd hooyo 5 carruur dhashay.

Dhinaca kale, Hoggaamiyayaasha Soomaalida deggan W/bari Kenya waxay dilalka iyo maydadka la helay dusha ka saareen Ciiddanka Kenya oo ay sheegeen inay Xerooyin dadka lagu hayo ku leeyihiin Manderea.

Saddex bilood ka hor, 11-mayd ayaa laga helay qabri ku yaalla Degmadda Wajeer.

Wararkii u dambeeyey ee naga soo gaarayo W/bari Kenya ayaa waxay sheegayaan inay Maxkamad ku taalla Mandera u fasaxday Boliska inay qodi karaan Qabuur-wadareedyadda ku yaalla Tuulladda Lathe ee duleedka Mandera.

© Radio Dalsan      

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts