HomeWararSomali lala xiriirinayo inay qalab ku taageereen Alshabaab kuna xiran Maraykanka oo...

Somali lala xiriirinayo inay qalab ku taageereen Alshabaab kuna xiran Maraykanka oo rajeynayo in xukunka laga qafiifiyo.

Date:

Related stories

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Wasiir Xoosh oo booqday matxafka Qaranka ee ciidanka Algeria

Wasiir Xoosh oo booqday Matxafka Qaranka ee Algeria. Wuxuu xusay halgankii gobannimo-doonka iyo muhiimadda iskaashiga labada dal.

Ali Yasin Ahmed, Mahdi Hashi iyo Mohamed Yussuf ayaa sheegay inay rajeynayaan in laga debciyo xukunka 15-ka sanno ee lagu riday, waxayna sheegeen in jirdil loogu geystay muddadii ay ku xirnaayeen dalka Jabuuti.

Saddexdaasi nin waxay arrintaasi ku muujiyeen Qoraal ay u direen Xeer-beegtida Maxkamadda Brooklyn Federal Court ee Bariga magaalladda New York, iyadoo Eedeysane Ali Yasin Ahmed oo 30-jir ah qoray in markii loo soo wareejiyey melaha ay Federalka dadka ku xiraan ee Manhattan iyo Broojlyn in lagula kacay jirdil uu amray Xeer-ilaaliyaha Maraykanka.

Garyaqaanadda difaacayo ayaa sheegay inay doonayaan in ugu yaraan 3 bilood laga dhimo 15-ka sanno ee lagu xukumay Saddexdaasi nin oo ay Sirdoonka Maraykanka soo qabteen sannadkii 2012-kii, kadib, markii ay ka gudbeen Xuduudka Somalia.

103 maalmood ayaa lagu hayey Xabsi ku yaalla Jabuuti, ka hor intaysan Hay’adda CIA-da u soo wareejinin dalka Maraykanka oo saddexda Eedeysane lagu soo oogay inay Xarakadda Alshabaab ku taageereen qalab aan la shaacinin waxa ay yihiin.

© Radio Dalsan  

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories