HomeWararNISA oo sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Keydkii ugu weynaa Al-Shabaab...

NISA oo sheegtay in ay gacanta ku dhigeen Keydkii ugu weynaa Al-Shabaab ee Muqdisho

Date:

Related stories

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Farmaajo oo Xasan Sheekh U Baaqay Wada-hadal

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay wada-hadal siyaasadeed iyo heshiis laga gaaro

Trump oo UN-ka Ka Hadlay Iran iyo ICC

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisa Golaha Guud ee Qaramada Midoobay kaga hadlay Iran, Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah

Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee NISA ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo keyd hub ah, kadib howgalqorsheysan oo ay ka fuliyeen Degmada Heliwaa ee Gobolkani Banaadir. Ciidanka oo Howgalka si gaar ah uga fuliyay Xaafadda Suuqaxoolaha ee dagmada Heliwaa ayaa sheegay in ay gacanta kusoo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee NISA ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo keyd hub ah, kadib howgalqorsheysan oo ay ka fuliyeen Degmada Heliwaa ee Gobolkani Banaadir.

Ciidanka oo Howgalka si gaar ah uga fuliyay Xaafadda Suuqaxoolaha ee dagmada Heliwaa ayaa sheegay in ay gacanta kusoo dhigen Seddex dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, iyo Keyd hub ah, oo ay sheegeen inuu ahaa kii ugu weynaa ee Al-Shabaab.

- Advertisement -

Sawirro la faafiyay ayaa muujinaya Hubka noocyadiisa kala duwan, oo ay ka mid yihiin hubka cul-culus, kaasi oo sida Saraakiishu ay sheegeen ku keydsanaa Xaafadda ay howgalka ka fuliyeen.

“Ciidamada ammaanka gaar ahaan Ciidanka Hubaysan ee Duufaan ee NISA ayaa howlgal bartilmaameedkiisu qorshaysnaa xalay ka fuliyay Degmada Heliwaa ee Suuqa Xoolaha ayaa lagu soo qabtay saddex Horjooge oo Alshababaa ka tirsanaa. Halwgalkan qorshaysnaa ee ay fuliyeen Ciidanka NISA ayey ku soo qabteen Keydkii Hubka ee ugu weynaa ee Alshabaab, kaasoo oo ka koobnaa  noocyada kala duwan ee hubka oo ay u adeegsanayeen dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed” ayaa lag yiri Qoraal ay soo soo saareen NISA.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts