HomeWararXildhibaano cusub oo lagu doortay Magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb

Xildhibaano cusub oo lagu doortay Magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Waxaa Maanta Magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed lagu qabtay doorashooyinka kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya. Doorashada ugu horreeysay ee Maanta dhacday ayaa waxaa kursigeedu ahaa HOP182 oo ay ku tartameen Faysal Ibraahim Xasan iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana ku guuleystay Maxamed […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa Maanta Magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuusamareeb ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed lagu qabtay doorashooyinka kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Doorashada ugu horreeysay ee Maanta dhacday ayaa waxaa kursigeedu ahaa HOP182 oo ay ku tartameen Faysal Ibraahim Xasan iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana ku guuleystay Maxamed Mursal oo helay 88 Cod.

- Advertisement -

Doorashada kale ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Zakariye Maxamed Cabdi iyo Aadan Maxamed Nuur (Saran-soor) oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ahaa Xildhibaan ku fadhiyey kursiga tirsigiisu yahay Hop 170.

Aadan Saran-soor ayaa ku soo baxay doorashada kursiga Hop 170, isla markaana waxaa uu helay Codad gaaraya 82 Cod, halka Musharaxii la tartamayey ee Zakariye Maxamed uu isna helay 12 Cod, halka 7 Cod ay halaawday.

Sidoo kale doorashada kursiga saddexaad ee Magaalada Baydhabo ka dhacday ayaa waxaa ku guuleysatay Fowsiya Maxamed Sheekh oo afartii sanno ee lasoo dhaafay ku fadhisay kursiga Hop 171, waxaana ay heshay Codad dhan 84.

- Advertisement -

Doorashada hal kursi ayaa Maanta ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug, taasi oo uu kusoo baxay Cabdishakuur Cali Mire oo helay 85 Cod, isagoona ku fadhiyey kursiga HOP#054.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts