HomeWararKoonfur Galbeed “Guddiga FEIT xaq uma laheyn inuu joojiyo Doorashada kursiga HOP103”

Koonfur Galbeed “Guddiga FEIT xaq uma laheyn inuu joojiyo Doorashada kursiga HOP103”

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddiga hirgelinta doorashada Koonfur Galbeed ayaa ka horyimid Go’aankii Maanta kasoo baxay Guddiga doorashada heer Federaal ee lagu hakiyey qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP103 oo uu ku fadhiyo Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Guddoomiyaha Guddiga dorashada Koonfur Galbeed ee SEIT Yuusuf C/qaadir Baafo oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga hirgelinta doorashada Koonfur Galbeed ayaa ka horyimid Go’aankii Maanta kasoo baxay Guddiga doorashada heer Federaal ee lagu hakiyey qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP103 oo uu ku fadhiyo Guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiyaha Guddiga dorashada Koonfur Galbeed ee SEIT Yuusuf C/qaadir Baafo oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Guddiga FEIT aanu xaq u laheyn inuu joojiyo doorashada kursiga HOP103, xili cabasho uu kasoo gudbiyey Jawaari.

- Advertisement -

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Yuusuf C/qaadir in Guddoomiyaha Guddiga doorashada heer Federaal Maxamed Xasan Crro uusan wax sharciyad u heysan ee uu kursigaas ku joojiyo doorashadiisa, looga diiwaan-geliyay Musharaxiinta u tartameysa.

Guddoomiyaha Guddiga dorashada Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu caddeeyay in doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP103 la qabanayo Maanta berri oo Axad ah, isla markaana aysan jirin wax cabasho ah oo Guddigooda loo soo gudbiyay.

Guddiga doorashada heer Federaal ayaa Maanta soo saaray Go’aan lagu hakinayo doorashada kursiga HOP103, kadib markii loo diiday inuu u tartamo Prof. Jawaari oo ku fadhiyey, isagoona Guddiga u gudbiyey cabasho ku aadan hanaanka loo marayo kursiga ee laga hor istaagay..

- Advertisement -

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maalmo kahor ku dhawaaqay in loo diiday inuu u tartamo kursiga uu ku fadhiyey afartii sanno ee lasoo dhaafay, isla markaana sheegay in Baydhabo aysan ka jirin doorasho xor oo loo tartamo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts