HomeWararAl-shabaab oo sheegtay in Weerar ka dhacay Gedo ay ku dishay Sarkaal...

Al-shabaab oo sheegtay in Weerar ka dhacay Gedo ay ku dishay Sarkaal Ciidan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Kooxo hubeysan ayaa xalay gudaha degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ku dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Jubbaland, sida ay ku warramayaan wararka halkaas laga helayo. Dableyda hubeysan ayaa weerar ku qaaday Guri uu degmada Baardheere ka deganaa Sarkaalka Ciidan, iyagoona dil u geystay, isla markaana waxaa goobta si […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kooxo hubeysan ayaa xalay gudaha degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ku dilay Sarkaal la sheegay inuu ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Jubbaland, sida ay ku warramayaan wararka halkaas laga helayo.

Dableyda hubeysan ayaa weerar ku qaaday Guri uu degmada Baardheere ka deganaa Sarkaalka Ciidan, iyagoona dil u geystay, isla markaana waxaa goobta si deg deg ah uga baxsaday raggii ka dambeeyay falkaas dhacay.

- Advertisement -

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxa  ku sheegteen in dagaalyahano hubeysan oo iyaga ka tirsan ay Guri ugu galeen Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Maamulka Jubbaland, kadibna ay dileen.

Magaca Sarkaalka ayey Shabaabka ku sheegeen Xasan Inyow oo kamid ahaa Saraakiisha Ciidan ee ku sugan degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, iyagoona tilmaamay in weerarka dhacay uu ahaa mid qorsheysan.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Jubbaland oo ay uga hadlayaan dilka loo geystay Sarkaalka lagu magacaabi jiray Xasan Inyow, waxaana xusid mudan in dhowr jeer oo horey Baardheere ay uga dhaceen weeraro ay geysteen Al-shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts