HomeWararWafdigii DFS u dirtay dhageysiga Go’aankii Kiiska Badda oo kusoo laabtay Muqdisho

Wafdigii DFS u dirtay dhageysiga Go’aankii Kiiska Badda oo kusoo laabtay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Waxaa goordhow Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho dib ugu soo laabtay wafdigii dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeyb galay dhageysiga Go’aankii Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ee kiiskii badda ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya. Wafdiga oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa goordhow Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho dib ugu soo laabtay wafdigii dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeyb galay dhageysiga Go’aankii Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ ee kiiskii badda ee u dhexeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdiga oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiiro, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Wafdiga dowladda oo ka yimid Magaalada Hague ee dalka Nederland ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyay, iyagoona sheegay inay ku faraxsan yihiin guushii laga gaaray kiiskii Dacwada Badda ee muranka gelisay Kenya.

Maxkamadda Cadaalada Aduunka ee ICJ ayaa 12-kii boshaan Octoober go’aan ka gaartay kiiskii dacwadda badda ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya, iyada oo diiday doodda ugu weyn ee Kenya ee aheyd inuu jiro xad u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo la barbar ah xariiqa loolka.

Doodda labada dal ayaa aheyd, iyada oo Soomaaliya uu mowqifkeedu ahaa in xadaynta lagu saleeyo laynka tooska ah ee ku astaysayn xuduudda badda, halka Kenya ay dooneysay in xariiqda lagu saleeyo loolka.

- Advertisement -

Maxkamadda ayaa sameysay xariiq cusub oo ah xuduud badeedka labada dal, sida ka muuqatay xariiqda cusub, inta badan dhul-badeedkii ay sheegatay Kenya waa la diiday, waxaana loo xukumay Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts