Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka tiirka Arrimaha Bulshada oo looga hadlay arrimo dhowr ah.
Shirka oo ay qayb ka ahayeen mas’uuliyiin kala duwan,ayaa waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray  mashaariicda lagu horumarinayo arrimaha bulshada iyo arrimo kale.
Waxaa sidoo kale intii shirku socday  lagu soo bandhigay qorshaha la tacaalidda isbeddelka cimilada iyo dhismaha xarunta Qaran ee gurmadka deg degga ah.