HomeWararDil ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo faah faahin kasoo baxeysa

Dil ka dhacay Magaalada Gaalkacyo iyo faah faahin kasoo baxeysa

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa goordhow Nin la sheegay inuu shacab ahaa ku dilay gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah. Dilka loo geystay Ninkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay goob dukaan ah oo uu ku lahaa Xaafadda Wadajir Gaalkacyo dhanka xiga Galmudug, isla markaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa goordhow Nin la sheegay inuu shacab ahaa ku dilay gudaha Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana falkaas kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Dilka loo geystay Ninkaas ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacay goob dukaan ah oo uu ku lahaa Xaafadda Wadajir Gaalkacyo dhanka xiga Galmudug, isla markaana u geeriyooday xabbado dhowr ah oo lagu huwiyey.

- Advertisement -

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Maxamed Shire (Seetar), waxaana goobta uu falkaas ka dhacay durbo ka baxsaday raggii hubeysnaa ka dambeeyay falkaas oo watay Bastoolado.

Dad ku sugnaa meel ku dhow goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa ay ku warrameen in Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Galmudug ee Gaalkacyo ay qaadeen Meydka Marxuum Cabdinaasir Maxamed.

Si kastaba weeraro iyo dilal qorsheysan ayaa horey sidaan oo kale ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, waxaana xusid mudan in falalkaas dhacay oo lagu dilay Mas’uuliyiin iyo dad kale ay mas’uuliyadooda sheegteen Al-shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts