HomeWararDuqa Muqdisho oo booqday waddooyin ay xireen Biyaha Roobkii da’ay

Duqa Muqdisho oo booqday waddooyin ay xireen Biyaha Roobkii da’ay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta kormeeray qaar kamid ah goobihii uu sida gaarka ah u sameeyay Roobkii magaalada Muqdisho ka da’ay dhowrkii saac ee lasoo dhaafay. Wadooyinka Caasimadda oo uu kormeerka ku tagay Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa ka socday howla ay dowladda hoose Xamar Biyaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta kormeeray qaar kamid ah goobihii uu sida gaarka ah u sameeyay Roobkii magaalada Muqdisho ka da’ay dhowrkii saac ee lasoo dhaafay.

Wadooyinka Caasimadda oo uu kormeerka ku tagay Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa ka socday howla ay dowladda hoose Xamar Biyaha uga saareyeen goobihii uu Roobka biya dhigay si loo fududeeyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha wadooyinka Caasimadda.

- Advertisement -

Waddooyinka uu kormeerka ku tegay Guddoomiye Cumar Filish ayaa waxaa kamid wadada 21-ka Octoober ee degmada Waaberi gaar ahaan halka ay biyaha ka fariisteen, una dhow Isgoyska KM-4, halkaas oo ay socdaan howlo biyaha looga qaadayo.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa faray Waaxda Bulaacadaha iyo Agaasinka guud ee Bilicda iyo Nadaafada in la dar-dar geliyo howlaha biyo qaadista iyo Nadaafada Caasimadda Muqdisho.

Waddooyin waaweyn oo ku yaalla Magaalada ayaa Maanta waxaa xiray biyaha roobab xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayey Caasimadda, waxaana arrintaas ay saameyn ku yeelatay gaadiidka noocyadiisa kala duwan iyo dadweynaha.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts