HomeWararMadaxda Wadatashiga Qaranka iyo ku-xigeenka QM oo ka wada hadlay Doorashada

Madaxda Wadatashiga Qaranka iyo ku-xigeenka QM oo ka wada hadlay Doorashada

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa Maanta kulan la qaatay wafdi sare oo ka socday QM oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed. Kulanka Madaxda Golaha iyo wafdiga Qaramada Midoobay ee soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarrada […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa Maanta kulan la qaatay wafdi sare oo ka socday QM oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed.

Kulanka Madaxda Golaha iyo wafdiga Qaramada Midoobay ee soo gaaray Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarrada ka jira Soomaaliya, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo Arrimaha bulshada.

- Advertisement -

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland iyo Hirshabeelle ayaa aalada ZOOM-ka uga qeyb galay kulanka, halka Madaxweyneyaasha maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay goobjoog ahaayeen kulanka ka dhacay Muqdisho.

Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Aamina Jane Maxamed iyo wafdi ay hoggaamineysay oo Maanta soo gaaray Caasimadda ayaa kulan hore la qaatay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wadahadlay arrimaha horumarinta bulshada (SDG), xoojinta xiriirka wada shaqeyneed  ee Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, dhammeystirka doorashooyinka dalka, awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha hortebinta u leh Shacabka Soomaaliyeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts