HomeWararTaliyaha Ciidanka Dhulka oo booqday furimaha hore ee dagaalka ee Sh/Dhexe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqday furimaha hore ee dagaalka ee Sh/Dhexe

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ay wehlinayeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa booqasho ku tegay furimaha hore ee dagaalka ee deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe. Taliye Biixi iyo Saraakiisha la socday ayaa kormeerka ku gaaray Xeryaha iyo furimaha hore ee dagaalka Shabeellaha Dhexe ee deegaanada geed Timir, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo ay wehlinayeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa booqasho ku tegay furimaha hore ee dagaalka ee deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliye Biixi iyo Saraakiisha la socday ayaa kormeerka ku gaaray Xeryaha iyo furimaha hore ee dagaalka Shabeellaha Dhexe ee deegaanada geed Timir, Xaaji Cali, degmooyinka Warsheekh, Cadale iyo Raage-Ceelle oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga dalka.

- Advertisement -

Taliyaha Ciidanka dhulka Biixi ayaa Ciidamada uu kula kulmay deegaanada faray inay sii laba jibaaran howlgalada lagula dagaalamayo Al-shabaab, isla markaana ay dalka difaacan, kana shaqeeyaan midnimada.

Ujeedka komeerka Taliyaha dhulka iyo Saraakiisha la socday ayaa waxaa lagu sheegay inuu ahaa mid ay ugu kuur galayeen xaaladda amni ee degmooyinka Warsheekh, Cadale, Raage-Ceelle iyo deegaano kale ee Shabeellaha Dhexe.

Ammaanka ka jira degmooyinka dhulka xeebta ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa uu yahay mid wanaagsan, waxaana halkaas ku sugan Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan qeybta guutada 4-aad ee uu hoggaamiyo korneyl Saney Cabdulle.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts