HomeWararHirshabeelle oo War kulul kasoo saartay Weerarkii lagu dhaawacay Xildhibaanada

Hirshabeelle oo War kulul kasoo saartay Weerarkii lagu dhaawacay Xildhibaanada

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa si kulul uga hadlay weerarkii Bam gacmeedka ahaa ee xalay lagu dhaawacay Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle oo ka dhacay Magaalada Jowhar. Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan ayaa weerarka lagu qaaday Guriga ay deganaayeen Xildhibaanada Maamulka ku tilmaamay inuu yahay mid Argagaxisinimo ah, wuxuuna Caafimaad u rajeeyay saddex Xildhibaan […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdixakiin Luqmaan Maxamed ayaa si kulul uga hadlay weerarkii Bam gacmeedka ahaa ee xalay lagu dhaawacay Xildhibaano ka tirsan Hirshabeelle oo ka dhacay Magaalada Jowhar.

Guddoomiye Cabdixakiin Luqmaan ayaa weerarka lagu qaaday Guriga ay deganaayeen Xildhibaanada Maamulka ku tilmaamay inuu yahay mid Argagaxisinimo ah, wuxuuna Caafimaad u rajeeyay saddex Xildhibaan oo ku dhaawacmay weerarkaas.

- Advertisement -

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ayaa waxaa uu Hay’addaha Maamulka Hirshabeelle ku faray inay qaadaan tallaaboyin deg deg oo lagu xakameynayo amni darrada, ayna gacanta kusoo dhigaan dadkii dambeeyay weerarkii Jowhar.

“Waxaan Hay’adaha Amniga Farayaa iney qaadaan talaaboyin deg deg oo lagu xakameynayo falalka argagaxida geysanayaan, sidoo kalena waxaan Hay’adaha amniga ku boorinayaa iney Gacanta kusoo dhigaan kuwii kadambeeyay weerarka Argagaxisada ah ee lagu qaaday xildhibaanada”ayuu yiri Guddoomiye Cabdixakiin oo ka hadlaayay weerarka oo mas’uuliyadiisa sheegteen Al-shabaab.

Weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa xalay lagu qaaday Guri ay Magaalada Jowhar ka degan yihiin Xildhibaano ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, waxaana ku dhaawacmay Saddex Xildhibaan oo lagu kala magacaabo Aadan Barre Maxamed Muuse, Cismaan Cabdullaahi Dhoore iyo Duwane Faarax Cali.

- Advertisement -

Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa isku diyaarineysa doorashada Senatarada Aqalka sare oo maalmaha soo socda, iyadoo magaalada ay buux dhaafiyeen Musharaxiin, siyaasiyiin iyo dad kale oo qeyb ka ah ololaha loogu jiro Doorashada Aqalka Sare.

Latest stories