HomeWararMW Somaliland oo Aqbalay Is-casilaada Baashe Cawil, Magacaabisna sameeyay

MW Somaliland oo Aqbalay Is-casilaada Baashe Cawil, Magacaabisna sameeyay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbalay Is-casilaad uu u soo gudbiyey Wasiirkii ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibbada Somaliland Baashe Cawil Cumar oo khamiistii lasoo dhaafay xilkaas loo magacaabay. Madaxweyne Biixi Cabdi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Istiqaalada Wasiirkii ku-xigeenkii Arrimaha Dibbada Somaliland Baashe Cawil Cumar uu isku casilaayay ay soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa aqbalay Is-casilaad uu u soo gudbiyey Wasiirkii ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibbada Somaliland Baashe Cawil Cumar oo khamiistii lasoo dhaafay xilkaas loo magacaabay.

Madaxweyne Biixi Cabdi oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in Istiqaalada Wasiirkii ku-xigeenkii Arrimaha Dibbada Somaliland Baashe Cawil Cumar uu isku casilaayay ay soo gaartay, isla markaana uu ka aqbalay.

- Advertisement -

Muuse Biixi Cabdi ayaa Baashe Cawil Cumar uga mahadceliyay muddadii koobneyd ee uu xilka haayay iyo howlihii kale ee u qabtay Somaliland, waxaana sababta uu isku Casilay Baashe lagu sheegay inay tahay mid la xiriirta Saluug xilka loo dhiibay.

“Waxaa i soo gaaray qoraalkaaga ku taariikhaysan 02/09/2021, ujeeddadiisuna tahay is-casilaadda xilkii laguu magacaabay ee Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Sidaa darteed, waxa aan kula socod-siinayaa in aan kaa aqbalay is-casilaaddaa laga bilaabo taariikhda maanta.  Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka iyo hawlihii aad u qabatay” ayuu yiri Muuse Bixii..

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland oo Wareegto uu soo saaray ayaa waxaa uu xilka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibbada Somaliland ugu magacaabay Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble oo bedelaya Baashe Cawil Cumar.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts