HomeWararCiidamo hubeysan oo kala dhex-galay maleeshiyo beeleed dagaalamay

Ciidamo hubeysan oo kala dhex-galay maleeshiyo beeleed dagaalamay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad iyo Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kala qaaday maleeshiyo beeleed hubeysan oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku dagaalamay Gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Baxdo gaab oo ka tirsan Galgaduud, waxaana dagaalka uu salka ku haayay Arrimo la xiriira aano […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa qeybta 21-aad iyo Ciidanka Booliska dowlad Goboleedka Galmudug ayaa kala qaaday maleeshiyo beeleed hubeysan oo labadii maalin ee lasoo dhaafay ku dagaalamay Gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa sigaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Baxdo gaab oo ka tirsan Galgaduud, waxaana dagaalka uu salka ku haayay Arrimo la xiriira aano qabiil, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro kala duwan.

- Advertisement -

Saraakiisha Ciidanka dowladda iyo kuwa Booliska Galmudug ayaa ku guuleystay kala qaadista maleeshiyaadka, waxaana Ciidamada la socday Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka iyo xubno kale oo waan-waan wada.

Sidoo kale Xildhibaanada iyo Saraakiisha ayaa kulan la qaadan doona Odayaasha iyo Waxgaradka kasoo jeeda beelaha dirirto dhexmartay, iyagoona kala hadli doona sidii xal looga gaari lahaa Colaada, heshiisna loogu dhammeyn lahaa wax kasta.

Dagaalkii ugu dambeeyay ee gelinkii dambe ee shalay ka dhaca deegaanka Baxdo gaab ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ku dhaawacmay laba qof oo dhinacyada dagaalamay, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

- Advertisement -

Deegaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo laab-laabtay dagaal beeleedyo iyo dilalka la xiriira aano qabiil, iyadoona deegaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulkaas ay ka dhaceen dagaalo geystay khasaaro farabadan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts