HomeWararMucaaradka oo ku kala qeybsamay qaabkii loo kala saaray xubnaha Guddiyada ee...

Mucaaradka oo ku kala qeybsamay qaabkii loo kala saaray xubnaha Guddiyada ee cabashada laga keenay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa kasoo horjeeystay qaabkii ay Guddiga xaqiijinta Xukuumadda u kala saareen xubnihii Guddiyada doorashooyinka ee horey cabashada looga keenay. C/raxmaan C/Shakuur oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheega in hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed aysan ka duwaneyn […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame kana tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa kasoo horjeeystay qaabkii ay Guddiga xaqiijinta Xukuumadda u kala saareen xubnihii Guddiyada doorashooyinka ee horey cabashada looga keenay.

C/raxmaan C/Shakuur oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheega in hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed aysan ka duwaneyn qaabkii marka hore loo soo magacaabay.

- Advertisement -

Siyaasiga ayaa sheegay in Midowga Musharaxiinta aan la tashi lagala sameeyn qaabka loo maray kala saaritaanka xubnaha cabashada laga soo gudbiyay, isla markaana waxaa uu xusay in aysan caddeyn hannaanka loo maray turxaan bixinta.

“Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay” ayuu yiri siyaasiga.

Sidoo kale C/raxmaan C/Shakuur Warsame ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan, isagoona Ra’iisul Wasaare Rooble ka codsaday inuu uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah.

- Advertisement -

“Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan. Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay” ayuu sii raaciyay qoraalkiisa C/raxmaan C/Shakuur.

Dhinaca kale Musharax Cabdikariin Xuseen Guuleed kana tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa waxaa uu ku soo dhaweeyay qaabka loo maray xalinta xubnihii Guddiyada doorashada ee cabashada laga qabay, isagoona boggaadiyay tallaabada ay qaaday Xukuumadda xilgaarsiinta.

“Waxaan soo dhaweynayaa go,aanka gudiga heer wasiir ee kala shaandheynta gudiga doorashooyinka. Anigoo u arka in ay gudigu dadaaleen, muujiyeena faafreeb ilaa xad lagu kalsoonaan karo.Waxaan soo jeedinayaa in hore loo socdo, si dalku u galo doorasho horseedda daganaasho iyo xasilooni siyaasadeed” ayuu yiri Cabdikariin Guuleed .

Si kastaba waxaa muuqatada in Musharaxiinta Mucaaradka ay ku kala qeybsameen ka hadlay qaabkii Xukuumadda xilgaarsiinta u kala saareen xubniha Guddiyadii doorashada ee cabashada laga soo gudbiyay, kuwaasi oo lagu eedeeyay inay yihiin shaqaale dowladood iyo NISA.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts