HomeWararDagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo ka socda degaano

Dagaal u dhexeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo ka socda degaano

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa lagu warramayaa inuu ka socdo deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle. Dagaalka oo sigaar ah uga socda deegaano hoostega degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee Hiiraan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka ay weerar ku qaadeen goob ay ku sunaayeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa lagu warramayaa inuu ka socdo deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Dagaalka oo sigaar ah uga socda deegaano hoostega degmooyinka Buulo-burte iyo Jalalaqsi ee Hiiraan ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidanka ay weerar ku qaadeen goob ay ku sunaayeen Al-shabaab.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in la maqlayo dhawaqa rasaas xoogan oo ay isku adeegsanayaan Ciidanka dowladda Federaalka iyo Al-shabaab, isla markaana uu jiro khasaaro kala duwan, wallow aysan caddeyn karin.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Ciidanka weerarka qaaday ay ka yimideen dhinaca Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Buulo-burte, waxaana Saraakiisha Ciidamada qaarkood sheegeen in dagaalka uu yahay mid xoogan.

Weli si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda deegaano hoostegaBuulo-burte iyo Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, iyadoona la filayo in saacadaha soo socda Saraakiisha Ciidamada ka hadlaan.

- Advertisement -

Maalmihii lasoo dhaafay Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo qorsheysan oo ka dhan ahaa Al-shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoona qabsaday deegaano ay ku sugnaayeen Shabaabka, sidoo kalena uu howlgalka ka dhashay khasaaro kala duwan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts