HomeWararAskari dad shacab ah dhac ugu geystay Magaalada Muqdisho oo la dilay

Askari dad shacab ah dhac ugu geystay Magaalada Muqdisho oo la dilay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo xalay xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir dil ugu geystay Askari hubeysan oo dhac u geystay dad shacab ah. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in Askariga uu markii hore dhaca ugu geystay dhalinyaro ku sugneyd xaafadda Raadeelka ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo xalay xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir dil ugu geystay Askari hubeysan oo dhac u geystay dad shacab ah.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in Askariga uu markii hore dhaca ugu geystay dhalinyaro ku sugneyd xaafadda Raadeelka ee Deyniile, isla markaana uu ka qaatay taleefoono gacanta oo ay wateen xiligaas.

- Advertisement -

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Maamulka degmada Deyniile ayaa la sheegay inay falka kadib ay baadi goob u galeen helista Askariga dhaca u geystay dhalinyarada, iyagoona ku toogtay xaafada Siisii ee degmadaas, xili uu halkaas ku sugnaa.

Intaas kadib Ciidanka Booliska ayaa ka qaatay Askariga ay dileen qori AK-47 iyo moobeeladii uu soo dhacay, waxaana la tilmaamay in Askariga la dilay uu ku lebisnaa dharka Ciidanaka Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in Meydka Ninka la toogtay ay la wareegtay CID-da, iyagoona Ciidanka Booliska u sheegay CID-da in Askariga la dilay uu dhac u geystay dhalinyaro ku sugneyd xaafadda Raadeelka ee Deyniile.

- Advertisement -

Degmooyinka qaarkood ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa xiliyada habeenkii ah ay rag hubeysan dhac ugu geystaan dadka shacabka ah, waxaana dhowr jeer Ciidanka Booliska ey Muqdisho ku dileen rag hubeysan oo dad dhacay, kuwo kalena qabtay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts