HomeWararJeneraal Katumba Wamaala oo weerar khasaaro dhaliyey lagu qaaday

Jeneraal Katumba Wamaala oo weerar khasaaro dhaliyey lagu qaaday

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

General Edward Katumba Wamaala oo ah Wasiirka Gaadiidka iyo Taliyihii hore ee Ciiddanka Difaaca ee Uganda ayaa lagu dhaawacay weerar lala beegsaday xilli uu saakayto marayey inta u dhexeysa Bukoto iyo Kiasasi ee nawaaxiga caasimadda dalkaasi ee Kampala. Toogashadaasi waxaa ku dhaawacmay General Wamala, iyadoo ay gabadhiisa oo lagu magacaabi jirey Brenda iyo Dareewalkiisa ay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

General Edward Katumba Wamaala oo ah Wasiirka Gaadiidka iyo Taliyihii hore ee Ciiddanka Difaaca ee Uganda ayaa lagu dhaawacay weerar lala beegsaday xilli uu saakayto marayey inta u dhexeysa Bukoto iyo Kiasasi ee nawaaxiga caasimadda dalkaasi ee Kampala.

Toogashadaasi waxaa ku dhaawacmay General Wamala, iyadoo ay gabadhiisa oo lagu magacaabi jirey Brenda iyo Dareewalkiisa ay ku geeriyoodeen dhacdadaasi.

- Advertisement -

Wararku waxay sheegayaan in General Wamala loola cararay Isbitaalka, si looga daaweeyo dhaawacyada rasaas kaga dhacay qeybo ka mid ah jirkiisa.

Weerarkaasi waxaa la sheegay inuu u muuqday Isku-day isaga lagu kharijin lahaa, iyadoo gaarigiisa lagu dhuftay 7 xabbo oo rasaas ah.

Dhinaca kale, General Katumba Wamaala waxa uu horey u soo noqday Taliyihii Ciiddanka Dhulka Uganda ee UPDF sanadaihii 2005-tii ilaa 2013-kii, wuxuuna door ku lahaa Ciiddankii Uganda ee Nabad-ilaalinta loogu soo diray Somalia sanadkii 2007-dii.

- Advertisement -

General Katumba Wamaala ayaa waxaa kale oo uu soo noqday Taliyihii Ciiddanka Boliska Uganda sanadihii 2001-dii ilaa 2005-tii, waxaana  tababar ku soo qaatay Kulliyadda US Army War College oo ku taalla magalladda Karlisle ee Gobalka Feniswlvaniya ee dalka Maraykanka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts