HomeWararAkhriso:-Tirinta Codadka Doorashooyinka Somaliland oo weli socota

Akhriso:-Tirinta Codadka Doorashooyinka Somaliland oo weli socota

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Guddiga doorashada Somaliland ayaa weli ku howlan tirinta codadka doorashooyinka golayaasha Wakiilada iyo deegaanka Somaliland oo shalay ka bilowday deegaanadaas, lana soo gaba-gabeeyay. In ka badan hal malyan oo qof oo ah shacabka Somaliland una dareeray goobaha Codbixinta doorashada ayaa dhiibtay codadka ay ku dooranayaan 82 Xildhibaan oo u tartamaya Baarlamaanka iyo 249 Golaha guurtida […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddiga doorashada Somaliland ayaa weli ku howlan tirinta codadka doorashooyinka golayaasha Wakiilada iyo deegaanka Somaliland oo shalay ka bilowday deegaanadaas, lana soo gaba-gabeeyay.

In ka badan hal malyan oo qof oo ah shacabka Somaliland una dareeray goobaha Codbixinta doorashada ayaa dhiibtay codadka ay ku dooranayaan 82 Xildhibaan oo u tartamaya Baarlamaanka iyo 249 Golaha guurtida ah.

- Advertisement -

Guddiga doorashada ayaa lagu wadaa in ay saacadaha soo socda soo gaba-gabeeyaan tirinta codadka doorashada ee Gobollada qaar, iyaga oo ku dhawaaqi doona natiijooyinka kama dambeysta ah.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qiyaastii 55% codbixiyeyaasha is diiwaangaliyay ay da’doodu ka yareyd 25-jir, sidoo kalena 53% codbixiyeyaashu ay ahaayeen rag, halka 47% ay dumar ahaayeen.

Doorashada Somaliland ayaa waxaa ku baxaya Qarash dhan ah 25 malyan oo dollar, waxaana Somaliland ay bixineysaa boqolkiiba 80, halka Midowga Yurub iyo Taiwan ay bixin doonaan 20 boqolkiiba.

- Advertisement -

Ilaa iyo hadda ma jirto saadaal rasmi ah oo ku aaddan xisbiga la filaayo inuu ku guuleysto aqlibiyadda kuraastii loo tartamay, waxaana dadka Coddeeyay kamid ah Guddoomiyeyaasha Xisbiyada ku tartamaya doorashada Somaliland ee Wadani, UCID iyo kulmiye oo uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts