HomeWararRooble oo War kasoo saaray Qaraxii khasaaraha geystay ee ka dhacay Shangaani

Rooble oo War kasoo saaray Qaraxii khasaaraha geystay ee ka dhacay Shangaani

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir. Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku Cambaareeyay qaraxaas khasaaraha isugu jira dhimasho iyo dhaawaca geystay ee uu fuliyay qof isku soo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku Cambaareeyay qaraxaas khasaaraha isugu jira dhimasho iyo dhaawaca geystay ee uu fuliyay qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qarxa oo isku dhex qarxiyay goob Maqaayad ah.

- Advertisement -

Rooble ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday qaraxa Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir, wuxuuna dadka dhaawacmay uu Alle uga baryay inuu Caafimaad siiyo.

“Waan cambaareynayaa falka argagixisada Alshabaab ku laayeen dhallinyaro ku fiidsaneysay Muqdisho. Waa bahalnimo kale oo muujineysa sida ay argagixisada uga go’an tahay ciribtirka bulshada iyo mustaqbalka dalka. Allaha u naxariisto intii dhimatay dhaawacyada Allaha bogsiiyo, eheladana Samir iyo Iimaan” ayuu yiri RW Rooble.

Qaraxii ka dhacay Caasimadda ayaa waxaa ku geeriyooday 6 qof oo afar kamid ah ay ahaayeen dhalinyaro siweyn looga yaqaanay Gobolka Banaadir, waxaana ku dhaawacmay 5 qof oo kamid ahaa dad goobta ku sugnaa.

- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhacay Qaraxyo Is-miidaamin ah iyo kuwo miinooyin nooca dhulka lagu aaso ah, waxana qaraxyada oo geystay khasaaro kala duwan intooda badan sheegta Al-shabaab.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts