HomeWararAskari ka tirsan Ciidamada Cabdirashiid Janan oo Dil iyo dhaawac geystay

Askari ka tirsan Ciidamada Cabdirashiid Janan oo Dil iyo dhaawac geystay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Wararka aan ka heleyno degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo aya  waxaa ay sheegayaan in xalay Xero ku taalla degmadaas uu Askari ka tirsan Ciidanka Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland dil iyo dhaawac ugu geystay Askar kale oo ka tirsan Ciidanka Janan. Dad ayaa ku warramay in Askariga ka tirsan Ciidanka Cabdirashiid Janan uu rasaas xoogan ku […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wararka aan ka heleyno degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo aya  waxaa ay sheegayaan in xalay Xero ku taalla degmadaas uu Askari ka tirsan Ciidanka Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland dil iyo dhaawac ugu geystay Askar kale oo ka tirsan Ciidanka Janan.

Dad ayaa ku warramay in Askariga ka tirsan Ciidanka Cabdirashiid Janan uu rasaas xoogan ku furay Askar kale oo kamid ah Ciidanka oo ku sugnaa Xero, waxaana rasaasta ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay rasaasta uu furay Askariga ayaa waxaa ku geeriyooday saddex Askari oo kamid ahaa Ciidamada Cabdirashiid Janan, halka laba kalena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaal ay leeyihiin Ciidamada.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in Askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday, isla markaana Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan degmada Balad-xaawo ay wadaan baaritaano ay ku soo qabanayaan.

Wasiirkii hore ee amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan ayaa dhawaan heshiis la galay dowladda Federaalka, waxaana Ciidan iyo gaadiid uu watay ku wareejiyay dolwadda Federaalka, kuwaasi oo xero lagu xareeyay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts