HomeWararGolaha Wasiirada oo ansixiyay Heshiiska Caafimaadka ee Soomaaliya iyo Turkiga

Golaha Wasiirada oo ansixiyay Heshiiska Caafimaadka ee Soomaaliya iyo Turkiga

Date:

Related stories

Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay ‘Wadnaha’ Dhaqaalaha Badda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay xarunta cusub ee Wasaaradda Dekedaha, isagoo ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga badda iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.

Dekedaha Iiraan iyo Cadaadiska Trump: Ma la gaaray xilligii xabbad joojin rasmi ah mise waa xeelad cusub?

Donald Trump oo go'aan layaab leh ka qaatay Iiraan: Xabbad-joojin la kordhiyay iyo xanibaado cusub oo lagu adkeeyay dekedaha.

NISA Confirms Airstrike in Guulane Kills Al-Shabaab Members

The first operation targeted a house where Al-Shabaab leaders and militiamen were stationed. At least 15 members were killed in the strike. The militants' base was also destroyed, which they had been using to organize militias and plan acts of destabilization.

Iiraan oo awooddeeda tustay caalamka xilli xabbad-joojin la hadal hayo.

Iiraan oo soo bandhigtay gantaal gaaraya 2,000 KM xilli la hadal hayo xabbad-joojin uu ku dhowaaqay Donald Trump.

Turkey Expands Its Role in Counterterrorism Operations in Somalia

"Türkiye will directly support the efforts of Somali forces against Al-Shabaab and ISIS," Fidan said, elaborating on plans to expand security cooperation and counterterrorism operations.

 

T 5Golaha Wasiriida ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Cumar Carte, waxaana lagu ansixiyay heshiis u dhexeeya Dawladda Soomaaliya iyo Dawladda Turkiga oo ku saabsan iskaashi dhanka Caafimaadka ee labada dal.

Ugu horeyn Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo ka warbixiyay amniga guud ee dalka gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha Nabadiidka iyo dilal qorshaysan oo ay ka fuliyeen asbuucii la soo dhaafay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay weeraro ay qorshaynayeen cadowgu laga hortagay, isagoo xusay dhinaca kale in deegaano dhowr ah oo ku yaala Koonfurta iyo Bariga Soomaaliya in ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyey Maleeshiyaad ka wada tirsan nabadiidka oo kala taabacsan fikradaha dhiig daadinta ku saleysan ee ururada Daacish iyo Al Qaacida halkaas oo ay isaga dileen saraakiil iyo Maleeshiyaad badan.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dood ka yeeshay xaaladdaha ka taagan soohdinta ay Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya gaar ahaan degmada Beled-xawo. Waxaana R.Wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh uu sheegay in walaaca ay ka qabaan arrintaas ay kala hadleen Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya si uu ugu gudbiyo hogaanka dalka Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa Golaha Wasiirada hor keentay heshiis u dhexeeya Dawladda F. Soomaaliya iyo Dawladda Turkiga oo ku saabsan wadashaqeynta dhanka Caafimaadka. Iyadoo dood dheer kadib Goluhu meel mariyey heshiiskaas.

Heshiiskan labada geesoodka ah ayaa xoojin doonaa kaabayaasha Caafimaadka Soomaaliya, iyadoo lagu salaynayo sinaan iyo isdhaafsi kaalmo, waafaqsana faa’iidada labada dhinac iyo shuruucda labada dal.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa shirkoodii maanta warbixino uga dhagaystey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, iyagoo sheegay in ay muuqato saadaashii la filayay ee roobabkii dabalaylaha watay iyo fatahaaddii wabiyada. Wasiiradda ayaana xustay in deegaano ka mid ah Gedo, Jubbooyinka iyo Hiiraan laga dareemayo xaalado u muuqda in wabigu soo fatahayo.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

 T 1

 

T 4

T 4T 5

© Radio Dalsan  

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories