HomeWararNUSOJ oo cambaaraysay tallaabadda ay Maamulka Puntland ku xayireen Barnaamij ka baxa...

NUSOJ oo cambaaraysay tallaabadda ay Maamulka Puntland ku xayireen Barnaamij ka baxa Telefishinka Somali Channel.

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), Maxamed Ibrahim Pakistan waxa uu si kulul u cambaareeyey Wareegtaddii Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Puntland ku xayireen Barnaamijka Toddobaadlaha ee Deparani Show ee Somali Channel TV, oo laga tebin jirey Puntland. Wareegto ka soo baxday Maamulka Puntland ayaa waxaa shaqada looga joojiyey Soo-saarihii Barnaamijkaasi, Jaamac Deparani. Ururka NUSOJ […]

- Advertisement -


JAMA DEPARANIXoghayaha Guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ), Maxamed Ibrahim Pakistan waxa uu si kulul u cambaareeyey Wareegtaddii Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Puntland ku xayireen Barnaamijka Toddobaadlaha ee Deparani Show ee Somali Channel TV, oo laga tebin jirey Puntland.

Wareegto ka soo baxday Maamulka Puntland ayaa waxaa shaqada looga joojiyey Soo-saarihii Barnaamijkaasi, Jaamac Deparani.

- Advertisement -

Ururka NUSOJ waxay la wadaagayaan Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP cambaaraynta ku aadan Falkaasi ka hor imaanayo Xorriyadda Hadalka.

“Ururka NUSOJ waxa ugu baaqayaa  Maamulka Puntland inay si shuruud la’aan xayiraadda uga qaadaan Weriye Jamaac Deparani iyo Barnaamijka uu soo-saaraha ka haya ee ka baxa Telefishinka Somali Channel ee ay Xaruntiisa Dhexe ku taallo magaalladda London ee dalka Britain” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ.

Waxa uu ku booriyey Maamulka Puntlandinay dhowraan Xuquuqda Xorriyadda Hadalka  iyo Madax-bannaanida Saxaafadda.

- Advertisement -

Bishii May 21-dii ee sannadkan, Madaxweynaha Mamaulak Puntland, waxa uu amar ku bixiyey in la soo xiro Weriye  Jamac Deperani, oo lagu eedeeyey inuu Facebook-ga ku dhaliilay Maamulka Puntland.

© Radio Dalsan    

Latest stories