HomeWararAustralia: Arday Somali oo ka hadlay falkii loogu diiday inay galaan Bakhaarka...

Australia: Arday Somali oo ka hadlay falkii loogu diiday inay galaan Bakhaarka Shirkadda Apple.

Date:

Related stories

Muqdisho: Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay ‘Wadnaha’ Dhaqaalaha Badda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furay xarunta cusub ee Wasaaradda Dekedaha, isagoo ku dhawaaqay qorshe cusub oo lagu sugayo amniga badda iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah.

Dekedaha Iiraan iyo Cadaadiska Trump: Ma la gaaray xilligii xabbad joojin rasmi ah mise waa xeelad cusub?

Donald Trump oo go'aan layaab leh ka qaatay Iiraan: Xabbad-joojin la kordhiyay iyo xanibaado cusub oo lagu adkeeyay dekedaha.

NISA Confirms Airstrike in Guulane Kills Al-Shabaab Members

The first operation targeted a house where Al-Shabaab leaders and militiamen were stationed. At least 15 members were killed in the strike. The militants' base was also destroyed, which they had been using to organize militias and plan acts of destabilization.

Iiraan oo awooddeeda tustay caalamka xilli xabbad-joojin la hadal hayo.

Iiraan oo soo bandhigtay gantaal gaaraya 2,000 KM xilli la hadal hayo xabbad-joojin uu ku dhowaaqay Donald Trump.

Turkey Expands Its Role in Counterterrorism Operations in Somalia

"Türkiye will directly support the efforts of Somali forces against Al-Shabaab and ISIS," Fidan said, elaborating on plans to expand security cooperation and counterterrorism operations.

 

Abdulahi Haji Ali,Lix dhallinyarro u kala dhalatay dalalka Somalia iyo Sudan ayaa waxay fal-xumo iyo cunsuriyad kala kulmeen mid ka mid ah Ilaaladda Xarunta Shirkadda Apple inc. ku leedahay magaalladda Melbourne ee Koonfurta dalka Australia.

Waardiye waxa uu Ardaydaasi u diiday inay gudaha u galaan Bakhaarka Apple Storre, isagoo ku sheegay inay doonayaan inay wax ka xadaan Macaamiisha ku jirtay gudaha Xaruntaasi.

somali and Sudan StudentsMuuqaal laga duubay Dhacdadaasi laguna faafiyey Facebook iyo Twitterka ayaa waxaa laga dheehan karaa Ilaaliyaha oo haraantinayo qaar ka mid ah Ardayda uu ka hor-joogsaday inay galaan Xaruntaasi.

Mid ka mid ah Wiilashaasi oo u dhashay Somalia, laguna magacaabo Abdullahi Hagi Ali ayaa sheegay inuu argagaxay, kadib, markii laga codsaday inay isaga tagaan Dukaanka Apple ee Melbourne.

Isagoo la hadlayey Idaacadda iyo Tv-ga SBS ee dalka Australia , waxa uu tilmaamay isla markii uu falkaasi dhacay inuu shoog dareemay, oo uu rumeysan waayey qaabka lagula kacay.

“Ma rumeysanayn inuu shaqaale igu oranayo sidaas, waxaan u qaatay inaan ku jiro Riyo-maalmeed” ayuu yiri Abdullahi Hagi Ali.

Waxa kaloo uu u sheegay SBS News inuusan shilkaasi waxba ka beddeli doonin Aragtida uu ka qabo Shirkadda Apple.

TIM COOK

Madaxa Fulinta ee Shirkadda Teknoolajiyadda ee AppLe, Tim Cook waxa uu Qoraal raalli-gelin ah soo dhigay Websaytkiisa, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay inaan dadka la hayb-soocin marka ay booqanayaan Xarumaha Ganacsiga ee Shirkka Apple.somali and sudan 3

Dhinaca kale, Madaxa Guud ee Maribyrnong College, Nick Scott oo ah Maamulka Dugsiga ay dhigtaan Ardayda Soomaalida iyo Sudanese ee la xumeeyey waxa uu u Ardaydii u soo raacay Apple Store, si ay raalli-gelin uga bixiyaan gefka ay Ardayda ka galeen.

Nick Scott waxa uu u sheegay SBS News in Madixii Bakhaarka Apple Store uu raalli-geliyey Ardaydii, una sheegay in mar kasta lagu soo dhaweynayo Bakhaarka  Shirkadda Apple.

© Radio Dalsan

 

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories