HomeWararMaraykanka oo ugu baaqay Dowladda Federalka Somalia ansixinta Shuruucda Shirkadaha Xawaaladaha

Maraykanka oo ugu baaqay Dowladda Federalka Somalia ansixinta Shuruucda Shirkadaha Xawaaladaha

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

Saraakiil sarsare oo ka tirsan Waaxda Maaliyadda ee dalka Maraykanka waxay magaalladda Minneapolis ee Gobalka Minnesotta kulan kula yeesheen Ergooyin ka kala socday Xawaaladaha iyo Jaalliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalkaasi. Xubnaha ka socday Waaxda Maaliyadda Maraykanka ee ka qeyb galay Kulankaasi waxaa ka mid ahaa Adam Suzubin oo ah Ku-simaha Xoghayaha Waaxda Argagixisadda iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Saraakiil sarsare oo ka tirsan Waaxda Maaliyadda ee dalka Maraykanka waxay magaalladda Minneapolis ee Gobalka Minnesotta kulan kula yeesheen Ergooyin ka kala socday Xawaaladaha iyo Jaalliyadda Soomaalida ee ku dhaqan dalkaasi.

Xubnaha ka socday Waaxda Maaliyadda Maraykanka ee ka qeyb galay Kulankaasi waxaa ka mid ahaa Adam Suzubin oo ah Ku-simaha Xoghayaha Waaxda Argagixisadda iyo Sirdoonka Maaliyadda, Jennifer Fowler oo ah Ku-xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Dembiyadda Maaliyadda iya Maalgelinta Argagixisadda iyo Jamaal Al-hindi oo ah Ku-xigeenka Agaasimaha Shabakadda XoojintaDEmbiyadda Maaliyadda.

- Advertisement -

Saraakiishaasi waxaa Kulankaasi ku casuumay Senator Keith Ellison oo ah Mudane Muslim ah oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka lagana soo doorto Gobalka Minesootta oo ay Jaalliyadda Soomaalida ku badan tahay.

Kulanka ay la yeesheen Xawaaladaha Soomaalida ee u adeega Jaalliyadda Soomaalida, Ururradda aan Dowliga ahayn ee ka hawlgala Bariga Afrika, Bangiyadda Gobalka iyo Saraakiisha laga soo doortay Gobalka Minnesota.

Mas’uuliyiinta ka  socotay Waaxda Maaliyadda Maraykanka waxay diiradda saareen Xaawaalladda Maraykanka ee loo diro Somalia, waxayna hoosta ka xariiqeen inay muhiimadda tahay sidii ay u caawin lahaayeen Shirkadaha Xawaaladaha, loogana hortegi lahaa inaysan Xawaaladaha ku dhicin gacanta waxa loogu yeero Kooxaha Argagixisadda.

- Advertisement -

Ku-simaha Xoghayaha Waaxda Argagixisadda iyo Sirdoonka Maaliyadda Maraykanka, Adam Suzubin waxaa uu aad uga hadlay Walaaca ka dhashay go’aanka ay Bangiyadda Maraykanka ku joojiyeen Adeegyadda Lacagaha loo dirayo Somalia.

Waxa uu tilmaamay inay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka iyo Bangiga Adduunka ka taageerayaan Dowladda Federalka Somalia dhinacyadda Tababarka Hawlaha Xawaaladaha, iyo in la xaqiijiyo sugnaanta  Aqoonsiga dadka Soomaalida ee loo soo dirayo lacagha Xawaaladaha.

Adam Suzubin waxa uu tilmaamay inay ka walaacsan yihiin baahida loo qabo inay Dowladda Somalia u ansiyaan Sharciga Lacagaha la xawilayo iyo Sharciga La-dagaalanka Maalgelinta la siiyo Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts