HomeWararMaraykana oo Saraakiil ka tirsan AMISOM u soo tababaray Xeelladaha Dagaalka...

Maraykana oo Saraakiil ka tirsan AMISOM u soo tababaray Xeelladaha Dagaalka ay kala hortagaan Alshabaab

Date:

Related stories

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Jabuuti iyo Itoobiya oo Bilaabay Dhuun Shidaal

Jabuuti iyo Itoobiya ayaa bilaabay dhismaha dhuun shidaal oo dhererkeedu yahay 120 KM, taas oo isku xiri doonta Damerjog iyo Dewele, laguna doonayo in lagu fududeeyo gaarsiinta shidaalka.

19 Sarkaal oo u kala dhalatay dalalka Kenya iyo Uganda ayaa waxay Tababar ku soo qaateen Dugsiga taageeradda Nabadda Aadminimo ee hoos taga Xarunta Caalamiga ee Tababarka Nabadda  oo ku yaalla caasimadda dalka Kenya ee Nairobi. Tababarkaasi oo ay bixiyeen Saraakiil Maraykan oo ka tirsan Xarunta Dhexe ee Hawlgalladda Tababaradda iyo Taakuleynta (ACOTTA) ayaa waxay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

19 Sarkaal oo u kala dhalatay dalalka Kenya iyo Uganda ayaa waxay Tababar ku soo qaateen Dugsiga taageeradda Nabadda Aadminimo ee hoos taga Xarunta Caalamiga ee Tababarka Nabadda  oo ku yaalla caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.

Tababarkaasi oo ay bixiyeen Saraakiil Maraykan oo ka tirsan Xarunta Dhexe ee Hawlgalladda Tababaradda iyo Taakuleynta (ACOTTA) ayaa waxay Saraakiishaasi ku soo qaateen Tababar la xiriira La-dagaalanka Alshabaab, Ka-hortagga carruurta la askareeyo iyo Kufsiga.

- Advertisement -

Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay in Tababarkaasi markhaati u yahay Taageeradda ay Maraykanka ka geystaan Tabaabrka Ciiddanka Nabad-ilaalinta, qorsheynta daad-gureynta Ciiddanka Nabad-ilaaliyaasha ka hawlgala gudaha Qaaradda Afrika.

Madaxa  Xarunta Dhexe ee Hawlgalladda Tababaradda iyo Taakuleynta (ACOTTA) ee magaalladda Nairobi, Don Zimmer ayaa sheegay in Fikradda Tababarka looga dan leeyahay tahay maadaama aysan Milliteriga Maraykanka ka hawlgeli Karin qeybo ka mid ah Afrika inay taageero iyo tababar siiyaan  Milliteriga Gobalka.

Don Zimmer oo ah Kolonel hawlgab ka noqday Milliteriga Maraykanka waxa uu tilmaamay in Somli oo aan wax Dowlad ah ka jirin tan iyo dabayaaqadii sannadihii 1980-aadka ay suurtogal tahay inay Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Alqaacida saldhigyo ka dhigtaan, kana  hawlgalaan gudaha Somalia.

- Advertisement -

Waxa uu intaasi ku daray inay weli jiraan baahi loo qabo in xal loo helo Alshabaab iyo Alqaacida, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay dan ugu jirto Afrika in xal loo helo arrimahaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

Saraakiisha AMISOM ee ay Milliteriga Maraykanka soo tababareen ayaa la filayaa inay ka hawlgalaan Xarunta Dhexe iyo Taliska Hawlgalka AMISOM si ay u dardar geliyaan Go’aanadda Milliteriga ee horumarka samaynayo iyo qaabka loo xaqiijin lahaa inay wada hawl galaan Taliyayaasha.

Dhinaca kale, Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa la filayaa inay bisha October ka qeyb galaan Tababar ay Saraakiil Maraykan ah ku qaban doonaan Xarunta Dhexe ee Hawlgalladda Tababaradda iyo Taakuleynta (ACOTTA) ee magaalladda Nairobi.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts