HomeWararKalluumeysato Iiraaniyiin oo ka baxsatay dabley ku haysatay Xeebaha Somalia

Kalluumeysato Iiraaniyiin oo ka baxsatay dabley ku haysatay Xeebaha Somalia

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Doonidaasi oo lagu magacaabo Jaabir oo ay la socdaan ilaa 19 Badmaax ayaa la sheegay inay  ka baxsadeeen Kooxihii afduubka ugu haystay Xeebta Ceel-huur ee Gobalka Mudug. John Steed oo ah Khabiir la socda Hwlaha Burcad-baddeedsa, kuna sugan magaalladda Nirobi  ayaa u sheegay Wakaallaadda REUTERS inuu Kabtanka doonidaasi qaatay go’aanka baxsadka, xilli ay Diyaarad Helikopter […]

- Advertisement -

Doonidaasi oo lagu magacaabo Jaabir oo ay la socdaan ilaa 19 Badmaax ayaa la sheegay inay  ka baxsadeeen Kooxihii afduubka ugu haystay Xeebta Ceel-huur ee Gobalka Mudug.

John Steed oo ah Khabiir la socda Hwlaha Burcad-baddeedsa, kuna sugan magaalladda Nirobi  ayaa u sheegay Wakaallaadda REUTERS inuu Kabtanka doonidaasi qaatay go’aanka baxsadka, xilli ay Diyaarad Helikopter ah ku soo dhawaatay Doonida.

- Advertisement -

Waxa uu Khabiirkaasi sheegay inay shaqaalaha doonida oo tiradoodu dhamayd ilaa 19-Badmaax ay u itaal sheegteen dableydii haysatay Doonida.

Waxa uu tilmaamay inay Doonida baxsatay, iyadoo gaartay meel uu ku sugnaa mid ka mid ah Maraakiibta Midowga Europe ee qeybta ka ah La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Afhayeenka Hawlgalka Ciiddanka Badda ee Midowga Europe, Robert Thurmott ayaa sheegay inay qaabileen shaqaalaha la socday Doonidaasi, oo ay siiyeen cunto, biyo iyo shidaal, si ay u sii wataan safarkooda.

- Advertisement -

Saraakiisha Dowladda Iiraan ayaa xaqiijiyey inay soo baxsadeen Kalluumeysato la socotay dooni oo ay burcaddu haystay tan iyo bishii Maarso 26-dii ee sannadkanku haysteen Xeebaha Bartamaha Somalia.

Dhinaca kale, Burcad-baddeeda waxay weli haystaan 26 Badmaaxiin u dhalatay dalka Iiraan iyo doonidooda.

© Radio Dalsan

Latest stories