HomeWararHooyo carruurteeda kala soo baxsatay Britain oo lagu maxkamadeeyey Kanada

Hooyo carruurteeda kala soo baxsatay Britain oo lagu maxkamadeeyey Kanada

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Anisa Mohamed Ibrahim ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Hamilton ee dalka Kanada, iyadoo ku eedeysan inay 5 sanno ka carruur labo carruur ay dhashay kala soo dhuumatay Aabahooda oo ku nool dalka Britain. Boliska Kanada ayaa la sheegay inay Hooyadaasi iyo labadeeda wiil oo 10-jir iyo 8 jir ah heleen, iyagoo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Anisa Mohamed Ibrahim ayaa shalay la soo taagay Maxkamad ku taalla magaalladda Hamilton ee dalka Kanada, iyadoo ku eedeysan inay 5 sanno ka carruur labo carruur ay dhashay kala soo dhuumatay Aabahooda oo ku nool dalka Britain.

Boliska Kanada ayaa la sheegay inay Hooyadaasi iyo labadeeda wiil oo 10-jir iyo 8 jir ah heleen, iyagoo magac kale ku jooga dalka Kanada.

- Advertisement -

Jaalliyadda Soomaalida ku nool magaalladda Hamilton ayaa waxay shalay isugu soo urureen  Maxkamadda, iyagoo taageero u muujinaya tallabada ay Hooyadaasi carruurteeda ugala soo qaxday dalka Britain.

Anisa Mohamed  Ibrahim oo 35 jir ah ayaa lagu soo oogay labo Dembi, waxayna muteysan kartaa in iyada iyo carruurteeda dib loogu celiyo dalka Britain.

Sahra  Farah oo ka mid ah dadkii shalay ku sugnaa Maxkamadda Degmadda Hamilton ayaa sheegtay inay taageersan yihiin Anisa Ibrahim, oo ay sheegtay inay tahay Hooyo Wanaagsan.

- Advertisement -

Sidoo kale, Soomaalida ku nool magaalladda Toronto ayaa taageero u muujiyey Hweeneydaasi oo shalay la soo taagay Maxkamadda, iyadoo uusan wax Garyaqaanah wehlinin.

Anisa waxaa dib loogu celiyey xabsiga Barton Jail, waxaana la filayaa in mar kale Maxkamadda Hamilton la soo taago bisha soo socota ee September 11-da.

Anisa Mohamed  Ibrahim ayaa la sheegay inay iyada iyo labadeeda carruur ka soo ambabaxeen magaalladda Manchester ee dalka Britin bishii April ee sannadkii 2010-kii, kadib, markii ay kala tageen ninkeeda ay u hayso labada carruur.

Boliska magaalladda Toronto ee dalka Kanada ayaa la sheegay inay dhowr isbuuc ka hor gacanta ku dhigeen Haweeneydaasi iyo labadeeda carruur ah, kadib, markii Baaritaan Caalami lagu ogaaday inay si dhuumaalaysi ku joogto dalka Kanada.

 

© Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts