HomeWararXaasaska Al Shabaab oo lagu amray in ay Balad Xaawo isaga baxaan

Xaasaska Al Shabaab oo lagu amray in ay Balad Xaawo isaga baxaan

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Maamulka magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku amray xaasaska u dhaxay ragga Al-Shabaab iyo carruurtooda inay isaga baxaan magaalada ka dib markii ay ku eedeeyeen Al-Shabaab inay afduubtaan dadka samafalka ka shaqeeya ee taga nawaaxiga magaalada. Gudoomiyaha magaalada Maxamuud Xayd Cusmaan ayaa BBC-da u xaqiijiyay amarka lagu musaafirinayo xaasaska iyo carruurta Al-Shabaab ee […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Maamulka magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku amray xaasaska u dhaxay ragga Al-Shabaab iyo carruurtooda inay isaga baxaan magaalada ka dib markii ay ku eedeeyeen Al-Shabaab inay afduubtaan dadka samafalka ka shaqeeya ee taga nawaaxiga magaalada.

Gudoomiyaha magaalada Maxamuud Xayd Cusmaan ayaa BBC-da u xaqiijiyay amarka lagu musaafirinayo xaasaska iyo carruurta Al-Shabaab ee ku nool Balad Xaawo, wuxuuse ka gaabsday faahfaahin intaa ka badan inuu bixiyo.

- Advertisement -

Amarkan ayaa markii uu soo baxay waxay Al-Shabaab kaga jawaabeen inay la soo hadlaan ganacsatada iyo waxgaradka deegaanka kana dalbadaan inay maamulka ku qanciyaan inuu ka laabto go’aankiisa haddii kale ay qaadi doonaan talaabo aargudasho ah.

Ganacsatada iyo Odayaasha deegaanka ayaa kala hadlay maamulka codsiga Al-Shabaab balse waa uu ku gacan seyray inuu ka laabto go’aankiisa maamulka Balad Xaawo.

Al-Shabaab iyana waxay soo saareen go’aan ay ku sheegeen inay ku go’doomiyeen magaalada Balad Xaawo sida ay ka sameeyeen magaalooyin kale oo ku yaala Koonfurta Soomaaliya taas oo warwar iyo walaac ku beertay dadka deegaanka.

- Advertisement -

Haddii uu dhaqangalo go’aanka Al-Shabaab waxay ka dhigantahay in marinada kaliya ee hadda kadib Balad Xaawo wax uga imaan karaan ay tahay magaalada xadka Kenya ku taala ee Mandheera iyo dhinaca dalka Itoobiya.

BBC SOMALI

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts