HomeWararAkhriso:-Sidee ku timid in dadku tarmuusyadooda jebiyaan halkeese laga bilaabay?

Akhriso:-Sidee ku timid in dadku tarmuusyadooda jebiyaan halkeese laga bilaabay?

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaalida ku xirirta baraha bulshada ayaa si aad ah iskula wadaagayay muuqaallo ay ku burburinayaan tarmuusyada shaaha iyagoo sheegaayo in ay ku jiraan saddex kaniin oo laga qaado cudurka Kansarka iyo cudurro kale oo halis ah. Dadka qaar ayaa jejibiyay tarmuusyadooda iyagoo muuqaallo iska duubaayo kaddibna soo dhigay baraha bulshada, dadkaasi ayaa badankooda ku nool […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Soomaalida ku xirirta baraha bulshada ayaa si aad ah iskula wadaagayay muuqaallo ay ku burburinayaan tarmuusyada shaaha iyagoo sheegaayo in ay ku jiraan saddex kaniin oo laga qaado cudurka Kansarka iyo cudurro kale oo halis ah.

Dadka qaar ayaa jejibiyay tarmuusyadooda iyagoo muuqaallo iska duubaayo kaddibna soo dhigay baraha bulshada, dadkaasi ayaa badankooda ku nool gobolka Soomaalida ay degto ee waqoyi bari Kenya.
Wasirka wasaarada caafimaadka ee Ismaamulka Garissa Axmed Nadir Cumar oo BBC la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin wax cudur ah oo laga qaadaayo tarmuusyada.

- Advertisement -

Waxa uu sheegay in dadweynaha ay xaq u leyihin inay caafimaadkooda ilaashadaan, balse waxaa uu leeyahay wax walbo oo dalka Kenya soo galaaya baritaan ayaa lagu sameeyaa.

Weriyaha BBC ee gobolka waqooyi bari Kenya ayaa goob joog u ahaa qaar ka mid ah dadka markii ay tarmuusyadooda jabinayeen, waxayna u sheegeen in hadda wixii ka dambeeyo aysan adeegsan doonin tarmuus balse jalmad ama kirli ay isticmaali donaan.

”Waxaan arkay gabdho deriskeyga ah oo tarmuusyadooda jabiyay oo sheegaya in ay ku arkeen saddex kaniin oo cudurka kansarka laga qaado, aniga keyga hadda ayaan jabin rabaa oo waxaan fiirin rabaa waxa ku jiro, saaka shaah kuma shubanin” sidaasi waxaa tiri Xariiro Xassan oo magaalada Garisso ku nool.

- Advertisement -

Dadka ku nool deegaanadaas ayaa sheegaya in ula jeedada flaska loo soo geliyay kaniiniga ay tahay in “iyaga lagu laayo”, waxayna ku doodayaan in cudurka Kansarka uusan xilliyadii hore jirin oo haddana soo batay.

Xariiro Xassan ayaa sheegtay in wiilkeeda yar uu saaka ku yiri ” Hooyo wixii hadda ka dambeeyo, shaaha waan iska dhaafayaa, subixii canjeerada waxaan ku cabi doonaa biyo”.

Hadda dadka qaar ayaa baraha buulshada soo dhigaaya sawirro muujinaayo iyagoo shaaha ka shubanaaya jalmad ama kirli.

Si kastaba ha’ahaatee, wasiirka wasaaradda caafimaadka ee ismaamulka Garissa ayaa ku baaqaya in ay dadka is dajiyaan madaama uusan waxaasi oo dhan waxbo ka jirin.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts