HomeWararSawirro:-Taliyaha Cusub ee Ciidanka xoogga dalka oo kormeerkii ugu horeeyey sameeyey

Sawirro:-Taliyaha Cusub ee Ciidanka xoogga dalka oo kormeerkii ugu horeeyey sameeyey

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii la magacaabay wuxuu kormeer ku tagay Cisbitaalka Xoogga Dalka,isagoona u kuur-galayay xaaladda iyo habsami usocodka Howlaha Cisbitaalka. Taliyaha Ciidanka xoogga ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee cisbitaalka, iyadoo ay ka socdeen shaqo Maalmeedka caadiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe ayaa markii ugu horeysay tan iyo markii la magacaabay wuxuu kormeer ku tagay Cisbitaalka Xoogga Dalka,isagoona u kuur-galayay xaaladda iyo habsami usocodka Howlaha Cisbitaalka.

Taliyaha Ciidanka xoogga ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee cisbitaalka, iyadoo ay ka socdeen shaqo Maalmeedka caadiga ah.

- Advertisement -

Dr. Mahad Cabdullaahi Nuur, Madaxa Hogaanka Caafimaadka ee cisbitaalka xoogga ayaa ka warbixiyay baahiyaha ka jira cisbitaalka,wuxuuna carabka ku dhuftay iney jiraan baahiyo kala duwan loona baahan yahay in si wadajir ah wax looga qabto.

Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho-Qarshe ayaa sheegay in la dhisi doono Cisbitaalka weyn ee ciidamada xoogga, islamarkaan dhalinyarada Soomaaliyeed loogu sameyn doono shaqo abuur, taasi oo qeyb ka mid ah taliska dhiira gelin ugu sameynayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee waxbartay.

Dhinaca kale, Taliye Indha-Qarshe waxa kale uu kormeer ku tagay Villa Baydhabo, Qeybta saadka ee ciidanka xoogga dalka, waxaana Salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka,wuxuuna warbixin ka dhageystay taliyaha Hogaanka Saadka Ciidanka Xooga dalka sareeyo Guuto Maxamed Maxamuud Xuseen.

- Advertisement -

Ugu dabeynti, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Gaas Daahir Aadan Cilimi ayaa ku dhiiri galiyay Hogaanka Saadka in uu sii laba jibaaro shaqada si loo gaaro isku filnaasho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts