HomeWararSoomaalida deggan Finland oo laga wacyi-geliyo khatarta Daacish

Soomaalida deggan Finland oo laga wacyi-geliyo khatarta Daacish

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Tiradda Dhallinyarradda Muslimiinta ku nool dalka Finland ee ku biirta Dagaalyahannadda Daacish ayaa la sheegay inay sii kordhayaan. Waxaana jirta tobaneeyo Soomaali ah oo xilligii Summerka soo baxay, balse aan dib ugu soo laabanin Finland, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay ku biireen Daacish. Xabbad Waedheere Soomaalida deggan magaalladda Espoo ee dalka Finland ayaa sheegay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Tiradda Dhallinyarradda Muslimiinta ku nool dalka Finland ee ku biirta Dagaalyahannadda Daacish ayaa la sheegay inay sii kordhayaan.

Waxaana jirta tobaneeyo Soomaali ah oo xilligii Summerka soo baxay, balse aan dib ugu soo laabanin Finland, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay ku biireen Daacish.

- Advertisement -

Xabbad Waedheere Soomaalida deggan magaalladda Espoo ee dalka Finland ayaa sheegay inay Dagaalamayaasha Daacish dhallinyarro ka qortaan dalka Finlad, si ay ugu soo biiraan dagaalladda ay ka wadaan dalalka Syria iyo Iraq.

Xabbad Waedheere oo shan sanno ka hor qaxooti ahaan ku tegay dalkaasi, ayaa sheegay inay shaqsi ahaan Daacish ka codsatay inuu ku soo biiro, balse uu ka diiday. Isagoo la hadlayey Warbaahinta Yle ee Finland  waxa uu sheegay inay Daacish ku tashkiiliyaan Dhallinyarradda shaqo la’aanta hayso inay isaga soo tagaan Finland, iyagoo u ballanqaada haddii ay ku soo biiraan inay heli doonaan lacag badan.

Waxa uu sheegay inay Daacish dadka ku tashkiiliyaan Warbaahinta Bulshadda

- Advertisement -

Xabbad Wardheere, oo haatan 19 jir ah, isla markaana aysan wax ehel ah la joogin ayaa waxa uu ka hawlgalaa Xarun dadka da’da ah lagu xannaaneeyo oo ku taalla caasimadda dalka Finland ee Helsinki.

Waxa uu u sheegay Warbaahinta Yle inuu barto Cilmiga Daawada, isla markaana uu doonayo inuu mar uun tababarka Daawooyinka ka bilaabo gudaha dalka Somalia. Dhinaca kale, Ciiddanka Sirdoonka Finlad (Supo) waxay ku qiyaasaan inay 60 dhallinyarro haysata dhalashadda Finland ka dhoofeen dalka, kuna biireen Daagaalamayaasha Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.

Xigasho:  Yle        

© Warqabadka Dalsan Radio

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts