HomeWararUhuru Kenyatta oo sheegay inay AMISOM kala shaqeyn doonaan deganaanshaha Somalia

Uhuru Kenyatta oo sheegay inay AMISOM kala shaqeyn doonaan deganaanshaha Somalia

Date:

Related stories

Deni Faces Criticism Over Somaliland Secession Push

Somalia’s Interior Minister Ali Yusuf Ali (Xoosh) on Tuesday...

Somalia nears completion of new Danab base amid anti-Al-Shabaab push

Somalia’s military says a new base for the elite...

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya

Dowladda Federaalka oo Farriin Adag ka Dirtay Midnimada Soomaaliya Muqdisho...

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan ka Soo Baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Muqdisho | 18...

Cabinet clears reform agenda ahead of planned elections

Somalia’s cabinet has endorsed a new roadmap to implement...

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu maanta soo booqday  Askartii ku soo dhaawacantay iska horimaadkii ay maalintii Axadda ee la soo dhaafay ay Dagaalamayaasha Alshabaab kula galeen duleedka Xeradda Milliteriga ee Baure ee Degmadda Laamu.

Askartaasi ayaa waxaa lagu daaweynayaa Isbitaalka Ciiddamadda ee The Defence Forces Memorial Hospital ee magaalladda Nairobi.

Madaxweynaha Kenya waxa uu sheegay inaysan Alshabaab cabsi-gelin doonin Kenya, isla markaana ay si xooggan ula dagaalami doonaan.

Waxa uu tilmaamay in markii Alshabaab looga guuleystay dagaalka inay bilaabeen inay beegsadaan waxa uu ugu yeeray bar-tilmaameedyadda jilicsan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Uhuru Kenyatta waxa uu ugu baaqay Reer Kenya inay u midoobaan La-dagaalanka Alshabaab, wuxuuna carrabka ku adkeeyey inaysan marnaba oggolaan doonin in lagu khasbo waddo aan ahayn tan danta ugu jirto Kenya.

Mar uu ka hadlayey Hawlgalka AMISOM, waxa uu sheegay inay Ciiddanka Kenya ku biireen Hawlgalkaasi, kadib, markii uu codsi uga yimid Ururka Midowga Afrika (African Union).

Waxa uu intaasi ku daray inay sii wadi doonaan Hawlgalka AMISOM, si loo taageero Deganaanshaha dalka Somalia.

Hadalkiisa ayaa yimid dhowr maalin kadib, markii dagaal faraha looga gubtay uu dhex maray Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya ee ku sugan Xero ku taalla duleedka Laamu.

KDF DHAAWACAN 2 KDF DHAAWACANKDF DHAAWACAN 2

© Warqabadka Dalsan Radio

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories