HomeWararSoomaalida deggan Finland oo laga wacyi-geliyo khatarta Daacish

Soomaalida deggan Finland oo laga wacyi-geliyo khatarta Daacish

Date:

Related stories

National Communications Authority Participates in ITU Global Symposium for Regulators (GSR-26) in Ankara

The annual global forum brings together heads of regulatory authorities, policymakers, industry leaders, and digital stakeholders from around the world to exchange knowledge and discuss emerging regulatory trends shaping the future of digital transformation. This year's symposium is held under the theme "Navigating the Digital Frontier," focusing on regulatory pathways towards a resilient and inclusive digital future.

Somali Opposition Sets Conditions for Direct Talks with Government

Somalia’s main opposition coalition, the Somali Future Council, has...

Somalia, Saudi Pledge Stronger Counter-Terrorism Partnership

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud met with Saudi Arabia’s...

Tiradda Dhallinyarradda Muslimiinta ku nool dalka Finland ee ku biirta Dagaalyahannadda Daacish ayaa la sheegay inay sii kordhayaan.

Waxaana jirta tobaneeyo Soomaali ah oo xilligii Summerka soo baxay, balse aan dib ugu soo laabanin Finland, kuwaasi oo la tuhunsan yahay inay ku biireen Daacish.

Xabbad Waedheere Soomaalida deggan magaalladda Espoo ee dalka Finland ayaa sheegay inay Dagaalamayaasha Daacish dhallinyarro ka qortaan dalka Finlad, si ay ugu soo biiraan dagaalladda ay ka wadaan dalalka Syria iyo Iraq.

Xabbad Waedheere oo shan sanno ka hor qaxooti ahaan ku tegay dalkaasi, ayaa sheegay inay shaqsi ahaan Daacish ka codsatay inuu ku soo biiro, balse uu ka diiday. Isagoo la hadlayey Warbaahinta Yle ee Finland  waxa uu sheegay inay Daacish ku tashkiiliyaan Dhallinyarradda shaqo la’aanta hayso inay isaga soo tagaan Finland, iyagoo u ballanqaada haddii ay ku soo biiraan inay heli doonaan lacag badan.

Waxa uu sheegay inay Daacish dadka ku tashkiiliyaan Warbaahinta Bulshadda

Xabbad Wardheere, oo haatan 19 jir ah, isla markaana aysan wax ehel ah la joogin ayaa waxa uu ka hawlgalaa Xarun dadka da’da ah lagu xannaaneeyo oo ku taalla caasimadda dalka Finland ee Helsinki.

Waxa uu u sheegay Warbaahinta Yle inuu barto Cilmiga Daawada, isla markaana uu doonayo inuu mar uun tababarka Daawooyinka ka bilaabo gudaha dalka Somalia. Dhinaca kale, Ciiddanka Sirdoonka Finlad (Supo) waxay ku qiyaasaan inay 60 dhallinyarro haysata dhalashadda Finland ka dhoofeen dalka, kuna biireen Daagaalamayaasha Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Iraq.

Xigasho:  Yle        

© Warqabadka Dalsan Radio

 

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories