HomeMaqalDhageyso:-Wariye Sawir qaade ah oo Galabta lagu diley Muqdisho

Dhageyso:-Wariye Sawir qaade ah oo Galabta lagu diley Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Waxaa gelinkii dambe ee galabta Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir lagu dilay Wariye ka tirsanaa Tv-ga SBS ,iyadoo uu dilka geystay askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya. Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Suuqa beerta ee ku yaalla degmadaasi,waxaana dilka Wariyaha uu yimid kadib markii muran uu soo kala dhexgalay Wariyaha  iyo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa gelinkii dambe ee galabta Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir lagu dilay Wariye ka tirsanaa Tv-ga SBS ,iyadoo uu dilka geystay askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya.

Dilka ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Suuqa beerta ee ku yaalla degmadaasi,waxaana dilka Wariyaha uu yimid kadib markii muran uu soo kala dhexgalay Wariyaha  iyo askariga,iyadoona goobta uu ka baxsaday askarigii dilka ka dambeeyay.

- Advertisement -

Wariyaha la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdirisaaq Qaasim iimaan waxaana uu ka howlgali jiray TV-ga SBS TV oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, isagoona ka ahaa kaamira maan.

Wiil la dhashay Marxuumka la dilay oo lagu magacaabo Mustaf Qaasim Iimaan ayaa Dalsan u sheegay in goobta uu dila ka dhacay ay tageen, islamarkaana halkaasi ay kasoo qaadeen meydka Wariyaha, waxa uuna tilmaamay in meydka ay geeyeen laanta Hay’adda dambi Baarista ee CID-da iyo Isbitaal Madiina.

Sidoo kale waxa uu sheegay Mustaf Qaasim Iimaan in maalinta barri ah la aasi doono wariye Cabdirisaaq Qaasim iimaan oo galabta lagu dilay Degmada Waaberi ee Gobolkab Banaadir.

- Advertisement -

 

Hoos ka Dhageyso Codka Wiil la dhashay Wariyaha la dilay 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts