HomeWararCiiddanka Kenya oo heegan galay iyo Alshabaab oo ku hanjabay inay weerari...

Ciiddanka Kenya oo heegan galay iyo Alshabaab oo ku hanjabay inay weerari doonaan Kenya

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinett ayaashaaciyey in la adkeeyey ammaanka dalkaasi, kadib, iska horimaadkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya ku dhex maray duleedka Laamu. War Saxaafadeed uu soo saaray, waxa uu ku sheegay inay Boliska fashilin doonaan weerar kasta, wuxuuna  xusay inay  Dagaalamayaasha Alshabaab qorsheynayaan inay beegsadaan Xarumaha Dowladda ee ku kala […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliyaha Guud ee Boliska Kenya, Joseph Boinett ayaashaaciyey in la adkeeyey ammaanka dalkaasi, kadib, iska horimaadkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya ku dhex maray duleedka Laamu.

War Saxaafadeed uu soo saaray, waxa uu ku sheegay inay Boliska fashilin doonaan weerar kasta, wuxuuna  xusay inay  Dagaalamayaasha Alshabaab qorsheynayaan inay beegsadaan Xarumaha Dowladda ee ku kala yaalla Nairobi, Mombasa iyo Goballadda W/bari Kenya.

- Advertisement -

Waxa kaloo uu tilmaamay inay Alshabaab qorsheynayaan inay Bisha Ramadaan kordhiyaan weeraradda ay ku soo qaadayaan Xarumaha W/barashadda iyo Ganacsiga, wuxuuna ku baaqay in la muujiyo feejignaan dheeraad ah.

Dhinaca kale, Afhayeenka Milliteriga Kenya, David Obonyo ayaa sheegay in weerarkii Dagaalamayaasha Alshabaab dhawaan ku soo qaadeen Xero ku taallo duleedka Laamu inay uga dan lahaayen inay khasaaro ku geystaan.

Dadka Reer Kenya waxay Toddobaadkan u barooranayaan weerarkii ay Alshabaab hal sanno ka hor ka geysteen Degmooyinka Lamu, Hindi, Witu  iyo  Mpeketoni, laguna dilay in ka badan 60-qof.

- Advertisement -

Bilowgii bishii April ee sannadkan, weerar ay Dagaalamayaasha Alshabaab ku qaadeen Jamaacadda Garissa waxaa lagu dilay 148-qof oo u badnaa arday.

© Warqabadka Dalsan Radio

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts