Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegay inay Ciiddan badan oo Kenyaan ah ku dileen dagaalkii shalay ka dhacay gudaha dalkaasi.
Hadal ka soo baxay Alshabaab waxay sheegeen inay weerar qorsheysan ku qaadeen Xero ay Milliteriga Kenya leeyihiin, isla markaana ay ku dileen ciiddan badan oo Kenyaati ah.
Alshabaab wax faahfaahin ah kama bixinin tiradda Ciiddanka Kenya ee ay ku dileen iska horimaadkaasi.
Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Kenya, Kolonel David Obonyo oo maanta la hadlay Wakaalladda Wararka ee REUTERS ayaa sheegay inay guul ka gaareen dagaalkii shalay,isla markaana ku dileen  11-dagaalyahan, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa kaloo uu tilmaamay in Dagaalyahannadda la dilay uu ka mid ahaa Sarkaal uu magaciisa ku sheegay Luqmaan Osman Issa oo loo yaqaano Shirwac, isla markaana ay maydkiisa dhigeen qaboojiyelagu kaydiyo maydadka ee Isbitaalka Mpeketoni.
Afhayeenka waxa uu ku eedeeyey Sarkaalkaasi inuu ka dambeeyey dagaalkii sannad ka hor lagu qaaday Deegaanka Mpeketoni oo u dhow Jesiiradda Laamu, laguna dilay 65-qof.
Dhinaca kale, Afhayeenka Ciiddanka Kenya waxa uu sheegay inay iska horimaadkii shalay ku dileen Labo Dagaalyahan oo mid u dhashay dalka Britain iyo mid u muuqaal eg dadka  Carabta, waa sida uu hadalka u yiri.
Waxa uu tilmaamay inay wadaan baaritaanka dheecaanka Hiddo-siddaha, si ay u hayb aqoonsadaan Dagaalyahanadda lagu dilay iska horimaadkii ay shalay la galeen Dagaalamayaasha Alshabaab.
© Warqabadka Dalsan Radio